Labada Xisbi Mucaarad Oo Ku Baaqay In Sida Ugu Dhaqsaha Badan La Isugu Yimaado Talo Loo Dhanyahay

0
676

Picture4Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani, ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado shir loo dhan yahay lagana arinsado xaalka dalka iyo hawlaha ku soo fool leh.waxa kale oo ay labada xisbi mucaarad sheegeen inay ka walaacsan yahiin in doorashooyinku ay ku qabsoomaan wakhtigoodii, xukuumada waxay ku dhaliileen kali talisnimo iyo in dalka kooxi ay maamusho.

Gudoomiyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,waxa kale oo ay daboolka ka qaadeen in heshiiskoodan uu u hor seedi doono inay xoojiyaan mucaaradada,ayna xukuumada ku ilaaliyaan dastuurka iyo sharciyada dalka, iyaga oo war war ka muujiyay habdhaqanka xukuumada.

Ugu hortayntii gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa heshiiskaas soo dhaweeyay ay labadooda xisbi gaadheen,waxaanu xukuumada ku canaantay in uu gaabis ku jiro gooni isku taagii Somaliland,isla markaasna ay ka walaacsan yahiin in doorashooyinku ay ka dib dhacaan wakhtigoodii,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Runtii maanta waa munaasibad qaaliya farxad gaara ayey aniga ii tahay iyo guud ahaan labada xisbi mucaarid, waxa maanta halkan ku aragtaan laba ka mida sadexdii xisbi qaran ee dalka,kuwaas oo ah labadii xisbi  mucaaridka, sune waanagsan ayey ahaan jirtay inay labada xisbi mucaarid is kaashaadan iyada oo u jeedadu tahay in wax la saxo waxna la toosiyo.Asxaabta mucaaridka ah waajibaadkoodu waxa weeye in xukuumada la xakameeyo oo la toosiyo oo la daba galo, oo dhaliisheeda la sheego haddii ay wax wanaagsan qabatana lagu amaano, ta koowad ee ay labada xisbi mucaarid isku kaashanayaan waxa weeye in la xakameeyo si loo toosiyo xukuumada.Waxaynu ka warqabnaa inay doorashooyinkii ka hadheen labada sanadood oo kaliya taas oo ay ka horeeyaan duruufo badan oo ay ka mid tahay diwaan gelintu.Asxaabta mucaaridka ah wax yaabaha ay isku kaashanayaan waxa ka mid ah in doorashadu wakhtigeedi qabsoonto, walaacna way ka qabaan in doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan.Wax yaabaha aanu isku kaashanayno waxa ka mid ah in  la ilaaliyo madax banaanida saxaafada si ay dadweynaha warar xaqiiqada ku salaysan ugu gudbiso.Wax yaabaha ay isku kaashanayaan waxa ka mid ah gooni isu taaga Somaliland oo xoogaa gaabis ahi ku jiro in la dhiiri geliyo,sidaas darteed waxay labada xisbi mucaarid ku baaqayaan in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado talo loo dhan yahay.”

Ugu danbayntiina guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa uu fariin u diray golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland isaga oo sheegay in kaalintii mucaaridka ee ay buuxinayeen ay hada noqotay mid kaalinteedii ka soo baxaysa.

 Intaas ka dib gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumada ku dhaliilay inay dalka ku hogaaminayso nidaam kalitalisnimo, ayna dalka ka taliyaan koox yar oo aan ahayn dadkii loo doortay,waxaanu soo jeediyay in talo arimhaas laga yeesho,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Maanta waa maalin weyn, aniga iyo Cabdiraxmaan Ciro 11 kii sano ee ay asxbaatu Somaliland ka jirtayba isku meel ayaanu ka dagaalamaynay hadana halkiibaanu wada galnay, laba sano ayaanu kala maqnayn oo labadaasuna waxay ahaayeen laba laga shaqeeyay inaan kala maqnaano.aniga waad ogtahiin oo musharax ma ihi dalkan wax aan ku haystaana ma jirto oo guri kuma lahi oo dhul kuma lahi 22 sanadoodna waxaan ka shaqaynaayay in dalkaasu uu dal noqdo.saddex daas sanadood ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo joogay maalin aan uga war war badanahay ma jirto digtaytar nimada tii Maxamed Siyaad Bare ayuun baynu ka naqaanaaye waxa jirta mid ka khatarsan oo uu ku shaqeeyo dalka Mexico oo dawlada markaas xilka haysaa codka way iibsataa,waxna waa uu laaluushaa  ,jaraa’idkana waa uu qabqabtaa markaas siyaasadaas ayaa dalka ka socotay.anagu hadaanu nahay mucaardka idaacad sharci daro ah-na  dalka ka maanu samayn sidii Horyaal oo kale baabuurna kurta ka maanu jarin oo qoryo maanu saarin,waxa nalagu dilayaa waxa weeye waar arimaha ina hor yaala aynu talo midaysanka yeelano.”

Gudoomiye Faysal Cali oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “Golahaas samaysmay waxa uu ka samaysmay markii aniga iyo Cali-Gurey aanu ku kaliyay-sanay mucaaradadii ee labadayadiina way waalan yahihiin nalagu yidhi,maraasaanu nidhi hadaa bal qaar miyir qaba u doona,kuwiina waxa la yidhi waa bilaa sharci taasi waxay ku tusaysaa waa kali talis nimadii Mexico. Hadaba maanta waxa weeye qudhaanjoy ku quuso,ma caytamayno ee waxaanu ka hadlaynaa arimo dalkeena ka taagan.cid kalena la hadli maayo oo cidii aan la tartamay waa Siilaanyo waxaanan leeyahay waxii aynu isla soo marnay waad garnaysaa, hadii aanu Ucid jirin sideedii sanadood ee Riyaale muu dhamaysteen oo Kulmiye uguma talo galin in Riyaale dalka fadhiyo anagaa garba duub uga haynay.anigu sidii Siilaanyo mudaharaadna maan soo dhigin badhamadana maan soo furan si ay laabta iigaga dhacdo oo dalku isugu qatalmo,waxaanu Siilaanyo u sheegaynaa shacbigii waakan ee Ragna Dhuunuu kuu dhex joogaa Ragna dhaqashuu kuugu dhabar go’ay,markaas raga aad Zaad-ka lacagta ugu shubaysid eed leedahay meelahaas ka qayliya waxba tarimaayaan oo waa kan shacbigii dalka lahaa,70%  waa dhalinyaro beerkoodana waxa lagu cunaa saxaraha,dalkan talada waa la wada leeyahay talona waa loo baahan yahay,looma baahna kaftan iyo cay ee waxa loo baahan yahay dalkeena maxaa u dan ah.dadka suuqa ha soo joojine  aynu isugu nimaadno miiska iyo wada hadalka .”