Laba Xildhibaano Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Go’aanka Madaxweynaha Ee Doorashooyinka

0
589

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay go’aankii uu Madaxweynuhu ka gaadhay saami qaybsiga ee ahaa in Doorashada Golaha Wakiilada dib loo dhigo.

1

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye iyo Xildhibaan Maxamed Salaax Cige oo isna ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey go’aanka Madaxweynaha ee saami qaybsiga.

Ugu horeyna Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan  oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Saddexda Xisbi go’aan ayey ka gaadhi kari waayeen saami qaybsiga, markii ay xal u waayeena waxay go’aankii u dhiibeen Madaxweynaha, waxayna yidhaahdeen waxaanu ku qanacsan nahay go’aan walba oo uu Madaxweynuhu ka soo gaadho, kadibna Madaxweynuhu markii uu dhinacyo badan ka eegay waxa uu xalkii la noqday in dib loo dhigo Doorashada Wakiilada, si xuquuqdooda ay u helaan dadka laga tirada badan yahay, Haweenka iyo Beelaha darafyada ee cabanaya, markaas dadkaasi xaq bay u leeyihiin inay helaan xuquuqdooda, ee Xisbiga Waddani waxaan odhan lahaa haddii aynu markii hore kalsoonida siinay Madaxweynaha maaha inaynu ka hor nimaadno imika ee Doorashada Madaxtooyada isku diyaariya”.

Xildhibaan Maxamed Salaax Cige oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Anigoo ah Muddane ka tirsan Wakiilada, haddana waxaan ahay Xisbiga Waddani, go’aanka Xisbigayga marnaba ma diidani, ee waan raacsanahay, waxaana ku raacsan ahay mawqifkaas uu Xisbigu ka istaagay go’aankii Madaxweynaha, balse dhinaca kale Saddexda Xisbi waxay Madaxweynaha ka sugaayeen in saami qaybsiga uu ka gaadho go’aan kama dambays ah, ee kamay filan inuu arimo kale meesha keeno oo uu ku soo daro, qodobka uu Madaxweynuhu cukadayna waxa looga baahnaa in markii horeba Dastuurka lagu daro, oo waxaan u arkaa in qodobadani yihiin qodobo ma qaban Dastuurka, kolay sida cadna Doorashada Wakiiladu dib u dhac ayaa ku imanaya, haddii aan sinaba xal waara loo helin waxay caqabad ku noqon doonta Golaha iman doono mustaqbalka, ee anaga na bedelaya, Maxkamada Dastuuriguna in isku wakhi la qabto ayey cayintay labada Doorasho, laakiin haddii la kala qaaday waa ayaan daro, Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashaduna raali kama aha.”