Laba Xildhibaan Oo Md. Saylici U Soo Jeediyay Talooyin Horleh

0
592

Picture4Hargeysa(Geeska) :-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog) iyo Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa si wada-jira uga hadlay khilaaf muddooyinkii danbe la sheegayey in uu ka dhex taagnaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana ay sheegeen in ay ayaan darro tahay in labaddii mas’uul ee qaranka ugu sareeyey ay isqabsadaan iyaga oo sida oo kalena ku tilmaamay in khilaafkaasi sababi karo in uu sahaydo guud ahaanba qaranka, waxaana ay sida oo kale u soo jeediyeen in ay labada mas’uul yeeshaan wada-shaqayn buuxda si looga midho dhaliyo himilada qaranka Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay warbaahinta kula hadlayeen magaalada Hargeysa ka dib safar ay muddo ugu maqnaayeen dalka dibadda.

Xildhibaan Xoog oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in madaxweyne xigeenka Somaliland Md.Saylaci looga fadhiyo in uu adeegsado awoodiisa dastuuriga ah ee uu sharcigu siinaayo isla mar ahaantaana waxa kale oo uu ku dhaliilay fulin la’aanta ku timi heshiiskii xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland ka gaadheen khilaafkii muddo kordhinta Guurtida.

“Markii koowaad maaha, kii labaad maaha. Saylaci muddo dheer ayaa uu kolba dudaayey oo uu ka cararaayey meesha hadana meesha kama tago, waxna kama taro, waxa weeyaan waa ninka wax nala saxeexday ee gogal dhigay xaggii madaxtooyada ayaa laga diiday, madaxweynahu ha diido ama kuwo kaleba e’ waxaan marka hore odhan lahaa waar awoodaha dastuurka qaranku ku siiyey adeegso, haddii kale si cad isku casil oo iskaga tag meesha, waa ay muuqataa in uu jiro khilaaf sababta oo ah waa ninkii heshiiska xisbiyada la saxeexday ee culimada iyo dhammaanba wax-garadka Somaliland ay Waddani gadhka iyo gondaha qabteen in heshiiska la saxeexo oo Lix billood lagu darro muddo kordhinta, ilaa hadana aan heshiiskii hirgalin.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Xildhibaan Naasir Cali Shire isna waxaa uu yidhi:“Sida xildhibaanku sheegay maanta qaranka Somaliland cid waliba waa ay og tahay in khilaaf ka dhex jiro madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, haddii taasi sii socotana waxaa la garan karayaa in qaranku halis ku jiro, marka horena halis ayaa uu ku jiray, imikana halis labaad ayaa uu ku jiraa haddii labadii xubnood ee qaranka ugu sareeyey khilaaf dhex yimaado. Xukuumadda waxaan mar walba ku boorinaynaa qaranka iyada ayaa doorashada u qaabilsane, waxaa la doonayaa in dalka ay sharciyadda ku soo dabaasho oo ay sharciga ku soo noqoto. Madaxweyne xigeenku, waxaa uu ka mid yahay qaranka waxaan muhiim ah in wada-shaqayn ay yeeshaan isaga iyo Madaxweynahu.”.