Laba Suldaan Oo Ka Hadlay Go’aamadii Lagu Xaliyay Colaadda Ceel-Afweyn

27
4496

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir iyo Suldaanka guud ee Beesha Habar-jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa Xukuumadda iyo guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ilaalinta nabadgalyada xil dheeraad ah la iska saaro, oo aad looga feejignaado in nabadgalyo  daro dhacdo.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir iyo Suldaanka guud ee Beesha Habar-jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxay rajo aad u wanaagsan ka muujiyeen fulinta qodobadii ka soo baxay Shirkii Ceel-afweyn, Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waan hambalyeynayaa Shirkaas cid kasta oo ka qayb gashay, sida Odayaasha dhaqanka, Culimada dalka, Siyaasiyiinta, Xukuumadda iyo cid kasta oo gacan ka geystayba, waxaana leeyahay ILLAAHAY khayr ha idin siiyo, Labadii Beeloodna inay heshiiyeen waan ku faraxsan nahay, waliba aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay, Labada Beeloodna waxaan leeyahay sidaas imika nabadgalyada u qaadateen ilaalinta nabadgaylada uga wada shaqeeya, wixii horena yaan la soo xasuusan, wixii ay xukuntay Guddidaasina, waa in loo fuliyaa siday wax u xukumeen, runtiina arin geesinimo leh ayaa la muujiyey,anigu shirka waan tagi lahaa laakiin waan xanuunsaday, waana tagi kari waayey, ee Rashiid Jaabiir baa Shirka Wakiil igaga ahaa, laakin colaasha ayaan uga soo ducaynayey, ”.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi  yidhi “Nabadgalyada in mar walba la ilaaliyo, oo Shacabku dhankiisa ka ilaaliyo ayaa wanaagsan, haddii Nabadgalyadu xumaato, waa dhibaato, ee nabadeena uu ALLE ina siiyey, aynu mar walba xil iska saarno, oo aad ha looga digtoonado in nabadgalyo daro dhacdo, Xukuumad iyo Dadweynahaba aynu wada ilaalshano nabada, ta kale  Odaygaas ducadu ku dhacday, ee inamadiisa la laayey, ee saamaxada la yimid,waxaan leeyahay bedel khayr ALLE ha ugu bedelo inamadiisa,ubad khayr qaba ALLE ha ugu bedelo, umaddana ALLE ha u sakhiro”.

Suldaanka guud ee Beesha Habar-jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa isna isagoo arintan ka hadlaya wuxuu yidhi “Waa Alxamdulilaah haddii uu Shirkii si fiican inoogu soo dhammaaday, umadda islaam ah ayeynu nahay, waxaana mar walba ku ducaynaynaa ducadaas Islaamka, qodobaas Shirka ka soo baxayna insha allaah sidooda ayey u fuli doonaan”

Suldaan Cabdilaahi mar uu ka hadlaayey Nabadgalyada ayaa yidhi “Nabada ha la ilaaliyo, nabada cid aan haysan ayaa qiimaheeda garanaysa, ee nabada ha la ilaaliyo, qof kastana ha iska saaro xil nabada, Shacab iyo Dawladda aynu wada ilaalino nabadgalyada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here