Laba Mawduuc Oo Isku Mid Ah Oo Ah Oo Khamiistii La Horgeeyay Shirarka Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Somaliya

0
538

Picture7Hargeysa(Geeska)-Shirkii khamiistii ee golaha wasiirada Somaliland ayaa lagu ansixiyay siyaasadda horumarinta naafada, ka dib markii uu golaha wasiirada horkeenay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir. Sidaas oo kale golaha wasiirada Somaliya ayaa isna isla siyaasaddan la horgeeyey shirkoodii khamiistii, waxaana sidaas oo kale soo diyaarisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Somaliland

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul oo ansixintaas ka dib saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Shirkii golaha wasiirada waxa lagu ansixiyay siyaasadda horumarinta naafada, xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo waxay door muhiim ah siinaysaa horumarinta naafada dalkan, naafadu waa qayb weyn oo ka mid ah mujtamaca oo aan laga  maarmin. Madaxweynuhu hore ayuu u soo saaray digreeto uu ku farayo hay’adaha dawladda inay tixgelin gaar ah siiyaan oo ay hawlaha u fududeeyeen. Maanta wasiirka wasaaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi AW Daahir wuxuu horkeenay siyaasadda horumarinta naafada, golaha wasiiraduna duuduub ayuu ku ansixiyay.”

Somaliya

Shirkii golaha wasiirada Somaliya ee khamiistii, waxa isna lagu soo bandhigay siyaasadda naafada qaranka oo ay sidoo kale golaha wasiirada horkeentay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu. Warsaaafadeed laga soo saaray waxa lagu yidhi “Golaha Wasiirada ayaa ka dooday Siyaasada Naafada Qaranka iyo sidii loo heli lahaa sharci dhameystiran oo lagu dabaqo dadka naafada ah, si ay u helaan xaquuqdooda iyo daryeelkooda, waxaana sharcigan soo diyaariyay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, iyadoo golaha Wasiiradu ay xuseen in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo sharcigan, waxaana dood dheer kadib ay goluhu dib ugu dhigeen kulankooda dambe.”

Gunaanad

Waxa ay dad badani isweydiinayaan sida ay isugu  beegmeen laba shir oo ah golaha wasiirada Somaliland iyo Somaliya ee khamiistii oo haddana lagaga wada hadlay laba ajande oo isku mid ah oo ay weliba soo diyaareen laba wasaaradood oo isku magac iyo shaqo ahi kuwaas oo ah wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliya.

In kasta oo ay dad badani aaminsan yihiin suurtogalnimada inay labadan ajande dabada ka riixayeen hay’adaha caalamiga ah ee labadan wasaaradood siyaabaha kala duwan u caawiya, haddana arrinta dareenka soo jiidatay ayaa ah sida ay isugu beegmeen iyo weliba iyada oo labada xukuumadood shirka wasiirrada kadib ka hadleen ajandahan.