KULMIYE: Wejigii Hore Waxa Guulaystay Muuse Biixi, Waxase Bilaabmaya Loolanka Wejiga Labaad Oo Ah Xulista Ergooyinka Shirka

0
662

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero taagnaayeen madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf iyo guddoomiye-xigeenka KKULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si rasmi ah u cayimay wakhtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo ah 10 November 2015.

Md. Biixi, oo hadalka ka jeediyay xarunta madaxtooyada ayaa yidhi “Waxaynu ognahay in dadka xiiseeya arimaha siyaasadu baryahan dambe oo dhan ka faaloonayeen shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.  Xisbi ahaan taa waanu ku farax sanahay waayo, waxa aanu u aragnaa in ummadda Somaliland dhamanteed danaynayaan geedi socodka xisbiga.  Taasi waxay muujinaysaa  ummada inteeda badan rajada mustaqbalkeeda ka dhex eegayaan xisbiga kulmiye.

Dhinaca kale hadal haynta xisbiga kulmiye waxay muujinaysa in shacbigu ka marag kacaayo, wax qabadka horumarineed ee xukuumada kulmiye fulisay shantii sano ee ay xilka haysay.  Xisbiga Kulmiye isagoo dareemaya kalsoonida shacbigu u muujiyay, isagoo ka falceliniya dareemada dadku ka naawilayaan  mustaqbal dhaw iyo ka fogba. wuxuu si hagar la’aan ah fikir iyo fulinba ku dadaalayaa:

¨ in uu ka midho dhaliyo hiigsiga iyo himilada shacbiga somaliand ee ah,

¨ in somalialand hesho aqoonsi buuxa  kana mid noqoto golayaasha caalamiga ah ee dawladuhu ku wada arinsadaan UN, AU. IWM.

¨ In Somaliland noqoto dal dimuqraadiya, dal dhaqalihiisu kobco oo ka horumara dhinaca aqoonta, caafimaadka iyo arimaha bulshada.

¨ In somalalinad noqoto dal uu hogaamiyo sharicigu, dimuqraadi ah, madaxdu ku timaado doorasho muwaadinintuna u siman yihiin xuquuqda dhinac wac walba.

Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arimaha kor ku xusan, kadibna go’aamiyaan waqtiga ku haboon ee shirku qabsoomayo.   Waxa ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe.   Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arimuhu markay adakaadaan talo iyo tilmaamba ugu noqdo,  Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka  tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.

Hadaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.  Sidaa darteed dhamaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.”

Muuse Biixi iyo colkiisa

In shirka KULMIYE ee golaha dhexe la qabto ka hor inta aanu sannadkani dhammaan, waxa muddo dheer guclo iyo orod ugu jiray guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana ka horyimid xoogag kale oo iyaguna watay in shirka la qabto horaanta sannadka dambe ee 2016, waxaanay labada dhinacba raadinayeen kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo oo aakhirkii go’aansaday in la qaato soo jeedinta Muuse Biixi Cabdi ee ah in shirka sannadkan la qabto. Marka ay sidaas tahayna dadka siyaasada lafo-guraa waxay qabaan in Muuse Biixi ka guulaystay garabkii kale ee ka soo horjeeday islamarkaana uu hadda u muuqdo nin wejiga hore marka la eego tirsaday kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo.

Loollanka labaad

Inkastoo ay Muuse Biixi iyo dadka siyaasadiisa la jaalka ahi arkaan inay ka gudbeen mid ka mid ah caqabadihii hortaagnaa, haddana waxaan la iska indho tiri karin inay caqabado kale oo siyaasadeed bilow u yihiin. Muuse Biixi oo uu damac badani kaga jiro inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE ugu ordi doona doorashada 2017, waxa uu codka kalsoonida KULMIYE ka raadinayaa ergada ka soo qayb galaysa shirka golaha dhexe ee uu muddeeyay. Xulista ergada ayay caqabada ugu horaysaa ka soo waajahaysaa, waayo waxaa la filyaa in xulista ergooyinka ay kula loolami doona siyaasiyiinta kale ee uu iyagana hayo damaca Muuse haya oo kale oo ah musharaxa KULMIYE ee doorashada 2017.

Si kastaba ha ahaate, waxa la eegi doonaa in Muuse Biixi lagaga daba tago kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo ee uu laba caano maal ka hor tirsaday iyo inuu isagu sii kordhiyo sii kasbashada taageerada Madaxweyne Siilaanyo.