KULMIYE Oo Sheegay In Madaxweynuhu Galayo Hawsha Furista Ururrrada Siyaasadda, Maaddaama Oo Xisbiyada Imika Jira Wakhtigoodu Dhamaanayo

0
700

KULMIYE Oo Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Ku Eedeeyay Inay Yihiin ‘Fadhiid’ Dabada Ku Haya Qabaa’il

 

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Labada Guddoomiye ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay inay yihiin Fadhiid dabada ku haya Qabaa’ilkooda.

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Buuni oo Shalay u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa la waydiiyey in dedaal ay sameeyeen Isbahaysiga labada labada Xisbi Mucaarad ah sababtay in Xisbiga KULMIYE laba jeer Guul-darro soo gaadho, sida doorashadii Guud ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka iyo doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, laakiin wuxuu sheegay in Xisbiga Kulmiye aaminsan yahay inaan wax guul-darro ahi soo gaadhin Xisbigooda Talada haya, labada Guddoomiye ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe-na u arkaan fadhiid.

Mr. Buuni oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annagu waxaanu u aragnaa laba Xisbi Mucaarad oo fadhiid ah, oo ay hoggaaminayaan laba Guddoomiye oo fadhiid ah oo aad arkayso halka ay Maanta dalka marinayaan.”

Buuni waxa uu ka hadlay Madax-dhaqameed ka soo jeeda Koonfurta iyo bariga Hargeysa oo eedaymo u soo jeediyey Madaxweynaha ka hor doorashadii Shir-guddoonka cusub ee Wakiillada “Waad arkaysay Maalintii dhawayd ee laga hadlayey Shir-guddoonka, iyada oo aanay ahayn wax Shacabka u yaallay in Salaadiin Af-qabiil ku hadlayeen, khaasatan weliba Xisbiga WADDANI ay Afhayeen u noqdeen niman Madax-dhaqameed ah oo Af-beeleed ku hadlaya, markaa aad baanu xisbi ahaan uga xunnahay in arrintaa uu Cabdiraxmaan Cirro Raalli ka noqdo oo uu u sacabbo tumay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in sababihii uu Shacabku u codeeyay ay ka mid ahayd Furista Ururrada siyaasadda “Waxay shacbigu u codeeyeen in golihii wakiillada la beddelo, waxa kale oo shacbigu u codeeyeen in golihii deegaanka la beddelo, waxa kale oo shacbigu u codeeyeen in axsaabta qaranka oo mudadoodii dhamaanayso oo golihii wakiillada ee hore meel mariyeen imikan hawshoodii ayaa la galayaa”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Marka arrintaasi ay meesheeda soo gaadho ee ay wakhtigeedii noqoto wuu ka xil-gudanayaa Madaxweynuhu sidii uu uga xilgutay doorashooyinkii isku sidkanaa, xeerkiina wuu ka xil-gudanayaa Madaxweynuhu waxaana lagu soo saari doona faafinta rasmiga ah”

 

Geeska.net/Hargeisa Office