Kulan Xaasaasi Ah Oo Dhex Maray Guddiga Doorashada, Deeq-bixiyayaasha & Xukuumadda Iyo Wasiirka Madaxtooyada Oo Sheegay In Culays Fuulay Xukuumada

0
696

Hargeysa(Geeska)-Kulan xaasaasi ah oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka ayaa shalay dhex maray wadamada deeq bixiyayaasha, guddiga doorashooyinka Somaliland iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

1

Kulanka oo ay saxaafadu dibadda ka joogtay, ayaa la sheegay inay saddexda dhinac kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowga doorashada madaxtooyada oo qorshaysan inay qabsoonto March 2017, taas oo ay dadka qaar aaminsanyihiin inay dib uga dhacayso wakhtigii loogu tallo galay.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in ujeedada koowaad ee kulanku ahaa sidii deeq bixiyayaasha loogu qancin lahaa inay bixiyaan 4 milyan oo dollar  oo ah lacagta lagu qabanayo doorashada, iyadoo xukuumadu bixisay afar milyan oo dollar oo kale. Laakiin warku wuxuu sheegay in dalalka deeq bixiyayaashu sheegeen inaanay jirin lacag ay bixinayaan oo ku hadhay, waxaanay xuseen in lacagta maqan ee soo baxday ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland oo la yimid kharash cusub.

Markii kulanku dhammaaday, dalalka deeq bixiyayaasha ayaan saxaafadda la hadal, waxase la hadlay xukuumadda iyo guddiga doorashooyinka.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa saxaafadda u sheegay in la gaadhay go’aamo uu sheegay in dhawaan la baahin doono, wuxuuse cadeeyay in culays xukuumadda dusha ka fuulay, “Arrintani waxay ahayd kulan is waraysi ah, shaqada qabsoontay, shaqada dhiman halkaynu marayno, markaas waan ku hambalynayaa komishanka hawl fiican ayuu qabtay, meel fiican ayaynu maraynaa, wax war war ahi nooma muuqdaan in wakhtigii doorashada lagu qabto waxaana dhammaanteen inaga go’an in doorashadaasi si wanaagsan inoogu dhacdo xilligeedii.” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu, isagoo intaas raaciyay “Dhinaca kale, waxaanu iyagana deeq bixiyayaasha ka wada hadalnay maalgelintii doorashada, waxay iyagu bixinayaan, waxay dawladda Somaliland bixinayso, waxyaabahaasna kolay wakhti aan fogayn waa la faafin doonaa iyadoo faahfaahsan, hawlo badan ayaanu kala qaadqaadanay, go’aamo ayaa ka soo baxay, hadda waxba ka hor dhici maayo laakiin way soo bixi doontaa, culayska u badanina waxa uun hubaal ah inuu xukuumadda fuuli doono, anaguna diyaar baanu u nahay.”

Guddoomiyaha guddiga doorashoyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsane, ayaa isna axaafadda u sheegay in kulanka ujeedadiisu ahayd kala war qaadasho saddex geesood ah, waxaanu tilmaamay in hadda diyaar loo yahay daabicistii kaadhadhka cod bixiyayaasha.