Guddiga Fulinta Ee NAFAQO Iyo Baaqa Ay Madaxweynaha U Dirayaan

0
873

 

Madaxweyne Hoos u Eeg Xaaladda Cabasho ee Guddiga Hiliblayaasha (NAFAQO)

Aniga oo ah Guddida Hiliblayaasha ee NAFAQO waxa aan halkan ugu soo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, inay jiraan qaybka mid ah Mas’uuliyiinta dalka oo aanan halkan ku magacaabi karin ay rabaan inay samaystaan Guddi ay iyagu rabaan oo ay gacanta ku hayaan.

Mudane Madaxweyne, waad ogtahay in Guddiyadani ay tahay Guddidii sida xoogga ahayd uga qaybqaadatay xilligii ololahii doorashada, waxaananu ahayn kuwo qayb weyn ka soo qaatay oo ka tirsanaa xisbiga KULMIYE oo la soo maray xisbiga halgan dheer oo ballaadhan qiime weyna ugu fadhiyey xisbigaaga .

Mudane Madaxweyne, waxa kale oo aan kuu sheegaynaa in ururkayagu yahay urur sharci ah, Guddidanina ay tahay Guddi si sharci ah loo soo doortay oo meesha ku jooga doorasho annaga oo wax kastaba ku salaynay sharci.

Mas’uuliyiinta waddanka ee ay ahayd inay dhammeeyeen khilaafka iyo iska horimaadka  ay maanta igu yihiin ugu horreeya ee sababya khilaaf naga dhex abuuray iska horimaad. Waxa kaloo ay masuuliyeenta ka tirsan dawladda oo leh Wasiirro iyo Xildhibaanno ee xilka qaran loo dhiibay ay ilaabeen shaqadoodii qaranku uu u dirsaday oo ay shaqadoodiiba noqotay dhiig iyo uuskii inay ku soo noqdaan oo ay macdantii iyo batroolkii waddankuba uu noqday mashruuca yar ee ay hay’ad FOA uu diyaarisay hiliblayaasha oo ay doonayaan inay Guddi uu samaystaan ay igu leeyihiin oo ay baabiyaan Guddiyaddii sharciga ahayd.

Haddaba, Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa inaad arrintayadan hoos u eegto aad dabagal ku sameyso, iminka arrintayadu waa sidii waraabihii arkay hasha ee yidhi madharaari ee ay kuii kalena yidhaahdeen ana waa igu mudka. Waxa kaloo oon isagana u sheegaynaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in arrinkayaga isaguna hoos u eego.