Kulan Dhex Maray Madaxweynaha Iyo Ergayga EUKulan Dhex Maray Madaxweynaha Iyo Ergayga EU

0
784

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso. Kulnka ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  iyo Ergeyga Qaramada Midawga Yurub, iyagoo ka warbixiyey ujeedada kulanka, waxaanu Wasiir Sacad sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo ergaygu ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Somaliland iyo Midowga Yurub, kuwaas oo uu xusay in la isku afgartay, waxaanu si gaar ah u sheegay inay ka wada hadleen doorashooyinka Somaliland ka dhici doona sannadka 2017, waxaanu xusay in la isla gartay in la soo xoojiyo xidhiidhka labada dhinac.  Danjire Michele oo isna halkaas ka hadlay ayaa dawladda uga mahadceliyay soo dhawayn uu sheegay in loo sameeyay, waxaanu sheegay in Midowga Yurub sii wadi doono taageerada Somaliland, si gaar ah doorashooyinka dhici doona sannadka 2017.