Ku-xigeenka Xoghayihii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsan Afrika Oo Caalamka Ku Soo Jeediyey Somaliland

0
687

Hargeysa (Geeska) – Ku-xigeenkii xoghayihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, noqdayna Safiirka Maraykanka ee Dalalka Guinea iyo Itoobiya Ambassador Tibor Nagy, ayaa ka hadlay Faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxda Dawladda Soomaaliya sii wadayaan khiyaamada ay ku sameeyeen Beesha Caalamka, ka dib markii Muddo-kordhin loo sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo muddo-xileedkiisu dhamaaday bishii Februay ee sannadkan 2021.

Nagy wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho, laakiin  Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa mar kale khiyaameeyay bulshada caalamka, iyaga oo kordhiyay Muddo-xileedka Farmaajo”

Nagy oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka dayriyey aaminaad la’aanta siyaaaseed ee Madaxda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in haddii ay sii socoto keeni doonta Cawaaqib xumo . “Way sii wadi doonaan (Khiyaamada) ilaa ay ka dhalanayaan cawaaqib dhab ah” ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey in Bayaankii Somaliland ka soo saartay Xaaladda Soomaaliya ee xilligan aanu ahayn oo keliya Bayaan, balse Somaliland tahay mid hagaagsan “Bayaannada Somaliland, ma aha Bayaan oo keliya, balse waxay u muuqataa mid hagaagsan oo ka wanaagsan Soomaaliya”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office