Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Waddani Oo Xukuumadda Ku Tilmaamay Tii’ Ugu Cadaalada Xumay

0
653

Picture1Hargeysa (Geeska)-Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Jamaal Jaamac Xaamud,  ayaa ka waramaray Shaqaaqo dhawaan ka dhacday Magaalada Ceerigaabo, waxaanu Xogahaye ku xigeenka Waddani ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo halka uu khilaafka deegaankaasi ka dhaca ee inta badan soo noqnoqda ayaa sida aanu ka soo xiganay Shabakada Hadhwanaag oo wareysi la yeeshay ayaa eedo u soo jeediyey Xukuumadda taladda dalka haysa, oo uu ku eedayey in aanay isku dheeli tirin Wasiirada ka soo jeeda ka soo wada jeeda Gobolka Sanaag, oo uu tilmaamay in Beesha dhexe ee degta Ceerigaabo la siiyey Wasaaraddo wanaagsan, halka Beelaha kale ee aan ka mid ahayn Beelaha Dhexe ee dega Ceerigaabo aan la siin Wasaaraddo awood leh, waxaanu sheegay in Madaxweynayaashi ka horeeyey Axmed Siillaanyo ay u cadaalad sameeyn jireen Beelaha dega Somaliland, waxaanu  ugu horeyn yidhi “Sida aad maqasheen18-kii May  rabshado yar yar ayaa ka dhacay Magaalada Ceerigaabo  rabshadahaas oo ay iskaga hor yimaadeen Beelaha wada dega magaaladaasi,markii danbe si fiican ayaa loo qabqabtay oo badhasaabka ayaa ku soo xidh xidhay deegaanka Gar Adag  laakiin waa wax soo noq noqda oo mudo badan soo noq noqanayey, waxaanay ahayd inay dawladu wax ka qabato oo ay u kuur gasho oo ay is waydiiso waxan soo noq noqonaya  ee marka la gaadho 18-ka may keenaya rabshada, maalintaas 18-ka may waa maalin weyn oo waa maalintii layskugu yimid Burco  ee Somaliland dhidibada loo aasay, laakiin waxa socon waayey wixii ay dadku ku hesheeyeen oo noqday wax dhinac ka raran, Ceegigaabo waa la wada degan yahay marka aad eegto maamulka sida Badhasaabkii Gobolka,Maayarka,Taliyaha qaybta iyo Taliyaha Saldhiga kuwaas oo dhamaantood ah beesha dhexe qolooyinka kale marka aad ku tidhaa rabshada iska daaya waxay ku odhanayaan imisa ayaanu daawanaynay.”

 Mar wax laga weydiiyey bal marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Maamulka Magaalada Ceerigaabo ayaa yidhi “Maamulka Gobolku marxalado kala duwan ayuu soo maray oo wanaagsan, Ceerigaabana waa meeshii ay ka bilaabantay nabada Somaliland, Ceerigaabana waxa ku dagaalamaya oo layska hor geeyey wiil iyo abtigii,dadkii is dhalay ee isku abtiga ahaa ee walaalaha ahaa ee isku seediga ayaa ayaa hub layskugu dhiibay si fiican ayey odayaashuna u soo dhameeyeen  oo nabad ayey keeneen, wakhtigii Cigaalna waxa la saaray afar wasiir oo  ka soo kala jeeda afarta beelood kuwaas oo aan wax u soo dhisin si siman balse dhinac kaliya ayey awooda saareen, markii uu Rayaale Qabtayna melba waxba may gaadhin, markii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Siilaanyana waxa lays lahaa  wuu qaybinayaa maamulka gobolka oo waxa laga filayey inuu sameeyo awood qaybsi taasina may hir gelin oo kuwii uu isagu magacaabayey  ayaaba dhinac ka raran haddii aad eegto Wasiirada ugu culus Xukuumada waxay ka soo jeedaan beesha dhexe.”

Mar wax laga waydiiyey bal waxa jira shir la sheegay in beeshoodu ay ku qabsanayso Xiin-galool ayaa yidhi “Shirkaasi wuu jiraa bisha 16-keeda  ayaana lagu qabanayaa Xingalool debadahana waa laga imanayaa waa shir ay beeshu kaga hadlayso arimaheeda oo ay ku tashanayso.”

Mar uu ka jawaabayay bal Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo uu ku jiraa hadii uu talada wadanka ku guulaysto waxa uu ka bedeli karo waxyaabaha uu hada ku dhaliilayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi  “Waxaan u malaynayaa sida aanu rajo waynanahay  inuu wax badan wax ka qaban doono oo uu dadka isku soo dhawayn doono.”

Mar la waydiiyay bal Xukuumadihii soo maray Talada wadanka mida ay cadaalad darro ka tirsanayaan beelaha wada dega Gobolada Barigu waxa uu yidhi “Horta ilaahay ayaa cadaalad bixin kara, laakiin waxan is leeyahay dawlada ugu cadaalada xun marka la eego dhinaca gobolada bariga waa dawladan hada joogta, markan ku qiimeeyey inay dheeli tir samayso oo ay dadka isku soo dhawayso oo maamulkii daadajiso dadkana u qaybiso maamulka, Madaxweynuhuna waxa uu magacaabaa waa gobolada dhexe, marka la joogo debadaha iyo safaaradaha waxa haysta reer kaliya mana jiro nin ka soo jeeda gobolada darafyada bariga oo ku jira safaaradahaas.”

Mar uu ka jawaabayay mar hadii ay Xukuumaddu balanqaaday in ay dhisi doonto Waddada isku xidhaysa Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, in dhaliilaha uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska yihiin kuwo mucaaradad ay ka keenayso, waxa uu yidhi “wixii wax qabad ah waan ogolahay laakiin wax qabadka waxa la wada ilaashan karaa marka la wada leeyahay, imika Ceerigaabo  oo kale marka maamulka loo dhan yahay waddada waa la wada ilaashan karaa oo waa la wada dhisi karaa laakiin marka maamulku yahay reer kaliya dadkii kale waxay u arkayaan inuu reer kaliyi leeyahay, wixii wax qabad ahna waanu taageersanahay.”