Komishanka Togdheer Oo Ka Hadlay Deegaamadda Codbixinta Oo Ay Kormeer Ku Soo Mareen

1
798

 

6714Burco(Geeska)-Guddoomiyaha gudiga Komishanka doorashooyinka gobolka Togdheer Cabdirisaaq Maxamuud (Guud-cade) ayaa sharaxaad ka bixiyay xaalada guud ee goobaha codbixinta gobolkasi oo ay kormeer ku tageen iyo deegaamo cusub oo la magaaleeyay.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha oo magaalada Burco ugu  waramay Wariyaha Geeska Afrika ee gobolka Togdheer ayaa ugu baaqay ururada siyaada iyo musharixiintooda golaha deegaanka in ay xil adag iska saaraan dhawrista   anshaxa Ololaha doorashada ,wakhtiyada loo qorsheeyay iyo ka bulshada isla markaana waxa uu xusay in ay talaabo ka qaadayaan cidii ka hortimaada. “Waxaanu kormeer ku tagnay masuuliyiintayada Komishanka ee heer gobol iyo heer degmaba goobaha cod-bixinta ee degmooyinka  gobolka Togdheer ka koobanyahay si aanu u ogaano xaaladooda guud ee ka jirta ,wax caqabdo ah oo ka jiraana ma jiraan habayaraatee ,sidaasaana sanaaduuqda cod-bixinta lagu dhigayaa “ sidaasi ayuu yidhi Guddoomiyuhu ,waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “ Inkastoo ay jiraan deegaamo cusub doorashooyinkii dhacay ka dib la magaaleeyay hadana haba yaraatee wax Sanaaduuq ah oo la dhigayaa ma jiraan goobihii hore ayuun-baa laga codaynayaa “.

 Sidoo kale Guddoomiyaha gudiga Komishanka doorashooyinka gobolka Togdheer Cabdirisaaq Guud-cade ayaa fariin ku saabsan olaha doorashada u diray ururada siyaasada ee ka qaybqaadanaaya Oloaha doorashooyinka golaha deegaanka waxaanu yidhi. “ Waxaanu ku adkaynaynaa ururadda iyo musharixiintooda maadaama 29-ka ololihii la galaayo in ay xil adag iska saaraan ilaalinta anshaxa ololaha ,maalmaha loo cayimay iyo tixgalinta bulshada ku dhaqan gobolka waayo waxa jira dad buka ,caruur iyo waliba dad-aan xamilaynin qaylada iyo mikirafoonada ,waxaanan leeyaya urur kastaa maalinta loo qoondeeyay iyo saacada ololihiisa ha ku ekaado oo urur-na urur yaanu farogalin  “ Sidaasi ayuu yidhi  Mr Cabdirisaaq.

Waxaanu hoosta ka xariiqay in ay talaabo ka qaadayaan cida ku xad-gudubta shuruucda kaanbaynka .

 Geesta kale ururada siyaasada iyo bulshada ku dhaqan magaalada Burco iyo guud’ahaan gobolka Togdheer ayaa si weyn ugu diyaargaroobay ololaha doorashada golaha deegaanka oo bilaamaysa 29-ka bisha ,taasi oo ay ku kala calaf-qaadayaan Todoba urur siyaasadeed iyo musharixiin tiro-badani.

Comments are closed.