Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Oo Guddoomiye Cusub Doortay

0
571

Hargeysa (Geeska)-Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa,ayaa Guddoomiye cusub u doortay Axmed Jaamac Maxamuud, kadib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore Axmed Muxumed Madar.

Kulan ay iskugu yimaadeen xubnaha sare ee Komishanka maamul-wanaaga,iyo la dagaalanka musuq-maasuqa,oo ay ku doorteen Guddoomiyahan cusub, ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saareen oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu u dhignaa sidan“Maanta oo ay taariikhdu tahay 6/5/2017, waxa kulan iskugu yimid, xubnaha sare ee Komishanka maamul-wanaaga,iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, kaasi oo ujeedadiisu ahayd inay iska dhex doortaan Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga.

Waxay Guddoomiye u doorteen xubnaha sare ee Komishanku Axmed Jaamac Maxamuud, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan Komishanka, inuu noqdo Guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga, laga bilaabo maanta (shalay), oo ay taariikhdu tahay 6/5/2017.

Kulankan waxa Guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, muddane Mukhtaar Yaasiin Cali, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa

1-Mukhtaar Cismaan Cabdi Xubin

2-Axmed Jaamac Maxamuud oo Guddoomiye loo doortay.

3-Cabdinaasir Cabdilaahi Axmed

4-Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha guud, isla markaana goob joog ka ahaa Kulankan.