Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Inay Baraha Bulshada Xidhayaan

46
4136

Hargeysa(Geeska)-Komishanka doorashooynka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba baraha bulshadu ay ku xidhiidho la xidhi doono maalinta doorashada ilaa lagu dhawaaqayo natiijada doorashada, sida oo kale waxa uu komishanka doorashooyinka Somaliland uu ku dhawaaqay inuu ollolihii soo xidhmay.

Komishanka doorashooyinka ayaa ciidamada amray inay talaabo ka qaadana xisbiga ay ku arkaan dhaqdhaqaaq abaabulan oo ollole u eeg. waxaana ugu horayntii afhayeenka komishanka Siciid Cali Muuse oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxaanu go’aan ku gaadhnay amarna aanu ku siinay shiradaha in baraha ay bulshadu ku sheekaystaan in la hakiyo mudo, hadaanu nahay Komishanka go’aankaas waanu qaadanay waanan ku amarnay shirkadaha  inay iyaguna go’aankaas fuliyaan wayna nala qaateen.”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”waxaanu isla qaadanay shirkadaha isgaadhsiinta in maalinta doorashada marka ay dhamaato doorashadu codaynta ugu danbaysa waxa la xidhayaa lixda maqribnimo saacadaas laga bilaabo ilaa inta lagu dhawaaqayo doorashada baraha bushadu ay ku kulanto waxay noqon doonaan kuwo ka xidhan JSL. ”

Afhayeenka komishanka doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse waxa uu sheegay inay dalka ka xidhayaan baraha bulshadu ay ku kulanto ee ay ka midka yihiin

Facebook,Twitter,Snapchat,Instagram,Whatsup,Viber,Imo,DEO,Tango,Google+, sida oo kale waxa uu sheegay in aanay dalka ka xidhi doonin khadka intarnatka oo dhan.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan ayaa dhankiisa shaaciyay in ollolihii soo dhamaaday xisbiyadana aan dib loogu arki karin wax dhaqdhaqaaq ah, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”maanta Jimce 10 Nov 2017 waxa inoo goo xidhmay ollolayaashi loogu banbaxaayay dhamaan dalka oo  dhan oo xisbi kastaa uu maalin lahaa, xisbi kastaana uu tijaabinayay  ama isku dayayay inuu ku hanto quluubta shacabka Somaliland, waa ay soo dhamaatay.xisbi kastaa maalin ayuu ahaa si guudna todoba cisho waxaan filayaa inay xisbiyadii ka dhargeen oo ay maanta bas taagan yihiin in laga joojiyo, waanu ugu talo galnay oo wakhtigu waa uu idinku filnaa, ka qaadate intii aad ka buuxsan karayseen. waxaanu halkan amar ku faraynaa lixda galabnimo laga bilaabo inaan loo ogolaan doonin inuu xisbina banaan bax sameeyo, in xisbina isaga oo kooxo ah uu dibada u soo baxo, inuu xisbina calaamadaha iyo waxii aynu samaynaynay 21 casho ee ina soo dhaafay wax u eeg looma ogola ciidanka qarankana waxaanu halkan uga sheegaynaa in xisbiga ku kaca ay gacan bir ah ku qabtaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here