Komishanka Doorashooyinka Oo Balan Qaaday Inaanu Jiri Doonin Dib U Dhac Dambe Oo Doorasho

0
460

Hargeysa (Geeska)-Guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddida Doorashooyinka Somaliland, kulankan oo muddo qaatay, oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxay iska xog waraysteen halka hawlaha Doorashooyinku marayaan iyo Shaqada Komishanka Doorashooyinka.

Guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada, oo si wada jir ah ula hadlay Warbaabinta markii uu kulankoodu dhammaaday, ayaa ugu horeyn guddoomiyaha Guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Naasir Cali Shire, ka xog waramay qodobadii ugu muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen Guddida Komishanka,  sida Doorashada, shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee Xisbiyada, iyo qodobada Dastuurka ee sida gaarka ah uga hadlaya, waxaanu yidhi“Run ahaantii wax fara badan baanu ka wada hadalnay, oo aan ku soo koobi karo Doorashada Madaxweynaha in la filayo inay dhacdo bisha 11aad, waxa kale oo aanu ka hadlay arin Guddida u gaar ah, in aanu daba galno xisaab xidhada ay Hay’adaha iyo Wasaaraddaha ay Dawladdu leedahay, waxa kale oo aanu ka hadalnay Dastuurka Somaliland oo runtii sheegaya shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, run ahaantii waxaan odhan karaa si wanaagsan ayaanu isku af garanay oo wax walba oo aanu ku wada hadalnay mid walba meeshadii ayaanu dhignay, arinta Doorashooyinka waxay noo iftiimiyeen inay ka go’an tahay inay Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, oo ah wakhtigii loo qabtay oo ah bisha 11aad, waxay kale oo ay noo iftimiyeen in sida ugu dhakhsaha badan oo ah maalmaha soo socda inay bilaabi doonaan kaadhadhkii cod bixinta oo ay gayn doonaan goobihii loogu talagalay, waxa kale oo runtii halkan nooga soo baxday in loo baahan yahay in loo dhamaystiro, oo Xukuumadda ka codsanaynaa in wixii kharaashad ah ee loo baahnaa inay hawshaas ku qabtaan in sida ugu dhakhsaha badan loogu dhamaystiro”.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Eng: Cabdiqaadir Imaan Warsame,oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxay ahayduun sida caadiga ah in aanu iska wareysano oo aanu is xaal wareysano, wixii jira xagayga inay naga wareystaan, diyaar-garawgayga ay naga wareystaan, waxyaabihii ay noogu yeedhaan, waxaanu isku af garanay dhammaan su’aalihii ama wixii mad-madaw kaga jiray, waxaana ugu weynaa diyaar-garawga iyo sida aanu diyaar u nahay, sidii Salaasadii aanu soo dhaafnay u iclaaminay, diyaar weeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku, jadwalkiisi iyo tabaabushihiisi iyo inuu kaadh qaybintii uu bilaabo oo laba labadii Gobol loo bilaabo. Labada Gobol ee ugu horeeyaana ay yihiin Awdal iyo Saaxil isla markaana ay kaadh qaybintu inoo bilaabi doonto 29 bisha shanaad, oo loo diyaar garoobo, taasna waanu ku wargelinay, dammaan waanu is wareysanay, waanu is xogogaal wareysanay, waana kala qaadanay wixii talo iyo tusaale ah, anigoo ka faa’iidaysanay munaasibadan waxaan dhammaan Shacabka Somaliland ku wargelinayaa waa kaas ILLAAHAY roobkii inoo shubay,ILLAAHAY ha inoo sii badiyo, abaarta ha inaga qaado,  laakiin mar dambe Doorashadu dib u noqon mayso, diyaar baa la yahay, ha la diyaar-garoobo haddii Xisbiyo la yahay iyo haddii Shacab la yahay iyo haddii Dawladda la yahayba, xagga Komishanka waa ka diyaar”.