Komiishanka Oo Joojiyey Ololihii Habeenimo Ee Doorashada, Tababbarana Ka Furay Gobollada Dalka

0
146

Hargeysa (Geeska) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa Shalay maagalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer tababbar uga furay hawl-wadeenada ka shaqayn doona goobaha cod-bixinta  ee doorashada . Tababrkan oo  socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxa halkaa hadallo dardaaran ah ugu jeediyey hawl-wadeenada, Guddoomiye ku-xigeenka KDQ Axmed Cismaan Xasan, Komishineer Siciid Maxamed Cismaan, maamulka heer gobol iyo heer degmo gobolka Togdheer ee KDQ. Inta tababarkani socdo waxa lagu baran doonaa habka maamulka goobaha cod-bixinta ee doorashada. Sidoo kale, Tababbar kaasi la mid ah, ayaa Shalay loo furay hawl-wadeenada komiishanka ee gobollada  Maroodi-jeex, Saaxil iyo Sool. Dhanka kale, Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL, ayaa Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasarldda ka joojiyey gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii. Wareegto ay shalay soo saareen, ayay ku sheegeen in la joojiyey labadii saacadood ee diyaar-garowga ololaha  doorashada ee ay xisbiyada iyo ururradu samayn jireen habeenkii