Hargeysa(Geeska)-Professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa dhawaan Hargeysa ka sheegay in xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, aanu aqoon u lahayn Somaliland islamarkaana aanu haynin warbixino ku saabsan Somaliland.
Professor Samatar oo ka hadlaya kulan uu la yeeshay Kofi Annan ka hor intii aanu geeriyoon iyo sida uu uga xog la’aa arrinta Somaliland wuxuu yidhi “Inyar hadaan idiinku daro nin ahaan jiray xoghayaha Qaramada Midoobay oo Afrikaan ah oo magaciisa la odhan jiray Kofi Annan, jaamacada aan joogo ayuu arday ka ahaan jiray oo uu ka soo baxay 1959, markii danbena waxa uu noqday boodhka jaamacada ninkii ugu magaca weynaa ee boodhkaas ku jira aniga iyo isaguna waxaanu noqonay labada Afrikaanka ah ee la garanaayo ee jaamcada joogay kolkaas waanu isku soo dhawaanay oo waanu sheekaysan jirnay sanadkii inaga tagay hadda ayuu yimi jaamacada isaga oo markaas sideetan jir ah, waanu ka hadlay, kolkay xafladii dhamaatay ayuu yidhi inagu gooni ayaynu Afrika uga sheekaysanaynaa ee aynu is raacno gurigaygaan geeyay, markaas waxa uu igu yidhi haye Samatar Somaliya ka waran arimuhu baryahan halkay marayaan, waxaan ku idhi ma waxaad sheegaysaa Somaliyadii hore mise Somaliyada imika wadan kale ayaa jira oo la yidhaahdo Somaliland, yaa Somaliland ayaa jirta, sideebay u dhacday taasi waxiibaan yara micneeyay, markaasu igu yidhi kuwii Ingiriiska xornimada ka qaatay 1960 sow maaha sheekadooda halkeebaan ka akhristaa ayuu igu yidhi iyo waxay Somaliya uga baxeen iyo waxaas oo dhan, waan waayay, wax yar oo meelahaas lagu qorqoray oo qaarkood aad loo naax naaxiyay oo marka farta la saaro ee la cadaadiyo jabaaya. Kofi Annan waxaan siiyo waan waayay. Somaliya in aan la dhayalsan oo dadka aduunka ee markhaatiga inoo noqonaayana in aan la dhayalsan waa dad inaga Cilmi Badan Oo Inaga Xarfad Badan.”
New York Times
Hase yeeshee wargeyska New York Times ayaa bishii November ee sannadkii 1999 wuxuu qoray warbixin ku saabsan Somaliland, waxaanu qayb ka mid ah warbixinta ku sheegay wargeysku in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee wakhtigaas Kofi Annan iyo saraakiil Maraykan ah ay ka wada hadleen in Somaliland loola macaamilo sidii waagaas loola macaamili jiray Kosovo iyo West Bank, si ay dunida uga hesho dayn iyo mucaawino, iyadoo aan la aqoonsan, “Kofi Anan iyo saraakiil Maraykan ah ayaa ka wada hadlay qaab gaar ah oo la mid ah sida loola macaamilo Kosovo iyo West Bank oo Somaliland u ogolaanaya inay dibada ka hesho dayn iyo deeqo iyadoo aan si buuxda loo aqoonsan.” Ayuu yidhi Wargeysku, waxaanu intaas raaciyay inaanay taasi suurtogal u muuqan, iyadoo ay dalka Djibouti gacanta ku haysay wakhtigaas shirkii Carta ee nabadaynta Soomaaliya.
Wargeysku waxa kale oo uu waraysi la yeeshay oo uu warbixintiisa ku daray Madaxweynihii wakhtigaas ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaas Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo dad kale oo shacab ah oo uu ku jiray siyaasiga Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo wakhtigaas ahaa nin dhallinyaro ah oo soo bartay culuunta xoolaha islamarkaana ahaa ganacsade.
Cigaal iyo Kofi Annan
Marxuum Cigaal socdaalkaas uu ku tagay dalka Maraykanka wuxuu kula kulmay Xoghayahii guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, inkastoo aanu heli kari weynay sawiro laga qaaday kulankaas, haddana waxa kulanka ku weheliyay Marxuum Cabdirixiin Caabi Faarax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo u dhashay Somaliland, Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Marxuum Cigaal Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo dad kale oo kooban oo reer Somaliland ah oo degenaa Maraykanka.