Buubaa Oo Ka Waramay Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Farmaajo Oo Uu Qatar Kula Kulmay

0
860

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa ka hadlay kulan uu dalka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Buubaa oo isagoo Hargeysa jooga waraysi siiyay Telefishanka Universal, wuxuu isagoo kulankaas ka hadlaya uu yidhi “ Waa ay ii qorshaysnayd inaan tago Turkiga iyo Qatar  laakiin waxa isku soo hagaagay markaan Qatar joogay iyo booqasho kadis ah oo uu ku yimi madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo wayna jirtay mar haddii uu meesha joogo inaan arimaha wada eegno, gaar ahaan arimaha aan anigu dhankayga u baaciyay waxay ahayd maanta Somaliland dal iyo dawlad ahaanba halkay joogto degenaashaha ka taagan, waxii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed laysku odhan jiray in aanay jirin ee laba wadan oo Somaliland iyo Somaliya ah oo lixdankii isku yimi inay midiba gooni u taagan tahay in si wanaagsan loo kulmo oo loo wada hadlo oo arimaha murugsana muruga laga saaro.”

Buubaa waxa uu ka Jawaabay su’aal laga waydiiyay inaanu awood u haysan uu kula kulmo Madaxda dawladda Soomaaliya, waxaanu ku jawaabay “Arintu maaha dawlad la hadal waa qof shaqsi ah oo Maxamed Farmaajo la yidhaahdo oo imika madaxweyne ah oo ay noqotay inaan iska hor nimi oo aanu wada hadalnay kala waji dadbi mayno, waan is waraysanaynaa waxbaanu is waydiinaynaa dadkuna inuu nuglaado oo had iyo gooraale marka laysku yimaado uu u arko in adiga lagaa gacan sareeyo, adiga lagu isticmaalayo, adigu aad tahay qofka aan cid wax gaadhsiin karin, adiga uun wax lagugu shubanaayo anigu waxaan u arkaa diciifnimo siyaasadeed.”

Geesta kale, Buubaa oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ka hadlaya xaalada Somaliland gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee la isku maandhaafsanyahay wuxuu yidhi  “Somaliland halkan waxay ku soo gaadhay dhaqanka siyaasadeed ee ku salaysan doorashada xorta ah, maantana dood culus baa ka taagan Somaliland dhexdeeda, waxaana arintan lagu soo hadal qaaday Barlamaanka Ingiriiska, dawladda Ingiriiska iyo Dawladdo kale oo badana waxay aad u xiiseeynayaan inay Doorashooyinku dhacaan, markaas hor u socodkii iyo deganaashii Somaliland si uu u sii socdo, waa in habka Dimuqraadiga ah waa in wax alaale wixii dhibaato ah ee jirta in wax looga qabto, Komishankan midada sii afeeysanaya, ee doonaya inuu meesha sii joogo, inaga oo ogsoon n cadaalad iyo dhex-dhexaadnimo aan lagu hubin, oo qaybi diidan tahay, aniguna waxaan kula talin lahaa inay iska dhiibaan masuuliyada oo dad lagu kalsoon yahay ha loo dhiibo Komishanka, Dawladduna waa inay sida ugu dhakhsaha badan wax ugu qabato arintan, maxaa yeelay waxaynu ogsoon nahay in saami qaybsigii wax alaale wax laga qabtay ma jiro, arinta Komishanka iyo Waddani-na waxaa ka sokeeysa saami qaybiga oo Barriga iyo Galbeedka Wadanka dadka degaa waxay leeyihiin Doorasho bilaa saami qaybsiya gali mayno, markaas maaha in lagu marmarsoodo Waddani ayaa doorasho diidan, ee Xisbiga Waddani, Doorasho ma diidana, waxaanu diyaar u yahay Doorasho xor iyo xalaal ah, waliba Xisbiga Waddani, wuxuu kalsooni ka qabaa in Kuraasta Barlamaanka iyo Dawladaha hoosaba inuu ugu bato, oo dadweynuhu waxay arkayaan in Xisbiga Kulmiye aanu wax dan ah u hayn dadka iyo dalkaba, oo arimihii uu ku balanqaaday aanay suuragalin, markaas boqolkiiba boqol Xisbiga Waddani wuxuu rabaa inay Doorasho dhacdo laakiin cidda qabanaysaa waa inay noqotaa cid dadka oo dhami ku wada kalsoon yahay, Komishankana waa inuu si wanaagsan uu xilka iskaga wareejiyo”

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waxaa looga baahan yahay inay qadiyadeeda iyo jaritaankeenada ka dhaadhiciso caalamka una soo bandhigto, siday wax ku hagaagayaana ay wax ka qabato, arinta Somaliland looga baahan yahay maaha wada hadaluun, ee waa sidii qadiyada Somaliland loogu wada qanci lahaa, oo Caalamka iyo Mandaqaduba ugu qanci lahaayeen, ta kale waxaan hubaa dadka Somaliya jooga inay aad iyo aad u qiimaynayaan dareenka Somaliland yaala, dadka Somaliya joogaana dhibaatooyinka soo gaadhay, iyo xaalku sida uu yahay aad iyo aad bay uga daleen, dantuna waxay ku jirtaa waddada ay Somaliland qaaday inay Somaliduna qaado, oo aan laga xumaan jiiritaankeeda iyo waxay qabsatay, oo waddada ay Somaliland qaaday haddii Somaliya isku daydo inay hor istaagto, dariiqu uu dheeranayaa,sidaas darteed Somaliland waa inay isku hawsho dadka degan Somaliya wax ka dhaadhiciso, oo ha ka dhaadhiciso in aanay Somaliland wax dhibaato ah doonayn ee ay madax banaanideedii iyo wax badan la qabato inay u soo bandhigto, si dadka Somaliya jooga, ay dawladood culays ku saaran xalka loo baahan yahay ee ah inay Somaliland aqoonsiga kaga xidhan inay siiyana, jamhuuriyadii la isku odhan jiray Somaliya meesha kaliya ee degani waa Somaliland, oo iyadoo madax banaan isla markaana ah dal madax banaan la midawday Somaliya, markaas iyada ayey ahayd inay xil iska saarto, markaas Somaliland baa maanta wax rabta, iyada ayey ahayd inay qoondayso halkii lagu hadli lahaa, cidda lala hadlayo iyo cidda ay la kaashanayso si looga midho dhaliyo, hawl culus baana Somaliland u taala sida aan anigu u arko.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here