Khilaafadka Asxaabta Ee Sannad Doorasho Taagan

0
461

Waddamada sida dimuqraadiga ah u dhisani, dawladnimadooda iyo xoriyadoodu waxay ku xidhan tahay doorasho xor iyo xalaal ah.

Hadday dooranayaan duq magaalo ama madaxweyne qaran, qof kasta oo muwaadin ahi waa inuu aaminaa hanaanka doorasho ee jira, ama nidaamka dimoqraadiga laftiisa ayaa burburaya.

KhilaafAadka doorasho, aduunka wadan kasta waa ka jiraa, doorasho kastana khaladaad baa soo baxa, sharci baana laga samaystaa, si aanu mar dambe usoo noqon.

Marka loo eego aragtida sharciga-doorashada iyo cilmiga siyaasadda labadaba, Hay’adda (NEC) ee qaabilsan doorashooyinku, waa in ay hubiso ugu yaraan mudo sanad ka badan sharciyada asxaabta doorashada soo fool leh ku loolami doona, isla markaana ilaaliso xuquuqda siyaasadeed ee lagu dooranayo musharax kasta.

Qeexista shahaadada xisbinimo, waxaa iska leh hay’adii soo saartay, isla markaana waxaa muduci-sharci ka noqon kara isla hay’adii soo saartay.  Waxa kale oo xusid mudan in ay reebantahay in cid aan ahayn guddida doorashooyinka ay cayinto, tilmaanto, qeexdo ama diido tartamayaasha doorashada soo food leh.

Khilaafaadka xambaarsan sharciyada jiritaanka asxaabtu, iyadoo xilli iyo sanad doorasho lagu jiro soo baxaa, waxay abuuri karaan, inay wiiqaan daacadnimada geeddi-socodka doorashada oo ay horseedaan khilaaf bulsho oo muuqda ama qarsoon.

Hadaba, si xal loo helo, waa in guddida doorashoyinka qaranka iyo hay’adaha kale ee distoorku awoodda usiiyey xallinta khilaafaadkan, iskugu yeedhaan, asxaabta weli haysta ogolaanshaha (decree) doorasho sanadeedkaa dhacaya.  Kuna dedaalaan sidii go’aan sharciyeed looga gaadhi lahaa xaaladda taagan, isla markaana la diiwangeliyo (xaaladda iyo xalka ba) laguna darro shuruucda doorashooyinka.

Natiijo doorasho ha noqoto ama loollan doorasho ha dhaliyee, khilaafaadka doorashadu waa kuwo ka dhasha doorashooyinka.

Khilaaf sharciyeedka doorashoyinku, aalaaba waxay muujiyaan, qaangaadh-nimada, tartanka asxabta tirada badan.

Si kastaba ha ahaatee, waa in aan loo arkin inay tahay mid ka tarjumaysa daciifnimada nidaamka, se loo nisbeeyo nidaamka sharciga iyo maamulka doorashooyinka oo weli kobcaaya oo horumaraya.

Yuusuf Shukri Jaamac