Khataro Madbakha Ka Jira Iyo Sida Looga Dheeraan Karo (1): Moofada Korontada Ku Shaqaysa (Microwave) Iyo Kansarka

0
564

Toronto (Geeska)- Kijada oo ka mid ah qolalka ugu dhaqdhaqaaqa badan guryaha ayaa la ogaaday in ay tahay meel khataro badan oo caafimaad yaallaan sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. In kasta oo horumarka laga gaadhay tiknoolajiyadda iyo aqoonta cilmiga ee korodhay ay wax badan ka beddeleen nadaafadda kijada iyo cuntada lagu sameeyo ee jiri jirtay waayadii hore, haddana waxa ay weli khubarada caafimaadku sheegayaan in ay jiraan dhibaatooyin badan oo caafimaad darro oo si degdeg ah iyo muddo fog kadib ba u dhaawacaya caafimaadka qofka. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah arrimaha khatarta ku ah caafimaad ee ka jira kijada iyo sida ugu habboon ee looga dheeraan karo dhibaatadooda.

Microwave-ka iyo Kansarka:

Muddo sannado badan ahba waxaa ay doodo cilmi ahi ka jireen khatarta uu leeyahay isticmaalka moofada Korontada ku shaqaysa ee afka qalaad lagu yidhaahdo Microwave dadka qaarna u garan og yihiin Oofanka. Saynisyahannada qaar ayaa ka digay in moofadani ay disho nafaqada iyo faa’idooyinka cunto ee cuntada lagu sameeyo.

Maajidah Hafaas oo ah Bare-sare oo jaamacadda Trent ee dalka Kanada ka dhigta cilmiga shucuuca (Kaaha) ayaa sheegtay in aanu shaki ku jirin in shucuuca (Kaaha) ay moofada Korontada ku shaqaysa (Microwave) u isticmaasho bislaynta cuntadu ay si aan ku talogal ahayn bannaanka ugu soo gudubto. Fallaadhahaas oo marka ay bannaanka u soo baxaan awood u leh in ay dhex galaan jidhka, gaar ahaan biyaha jidhka ku jira.

Laakiin khatarta taas ka darani ay tahay dadka oo marar badan marka ay cuntada ku kululaynayaan moofadan isticmaala weel caag ka samaysan isticmaala, iyada oo la og yahay in inta badan ee walxaha caagga ka samaysani marka ay kululaadaan ay sii daayaan maaddooyin kiimikaad oo qofka ku keeni kara Kansar.

Xalka:

Khubaradu waxa ay dadka isticmaala Moofada Korontada ku shayqasa (Microwave) kula talinayaan in cuntada ay gelinayaan Moofadan aanay ku duubin caag, noocyo waraaqaha ka mid ah, iyo xitaa weelasha kale, marka laga reebo Quraaradda oo ay sheegeen in weelka quraaradda ka samaysani uu aamin yahay mar oo aanay kiimika ku jirin.

Waxa kale oo ay ku taliyeen in sida ugu fiicani tahay in marka moofadan lagu rido cuntada, inta uu kululaynayo laga baxo madbakha oo xitaa gidaarka dibadda ee kijada laga fogaado, maadaama oo la og yahay in shucuuca ka soo baxa Microwave ku uu awood u leeyahay in uu ka dhex duso gidaarka, taasina ay muujinayso in ay khatartii halkaasna weli ka jirto.