Khasaaraha Xilliyada Roobabka Ee Dooxyada Soo Rogmada Iyo Shacabka Iyo Darawalada Gaadiidka Oo Baafinaya Wasiirkii Hawlaha Guud

0
677

Hargeysa(Geeska)-Xilliiyada ay curtain roobabka gu’da iyo dayrta, waxa bilaabma khasaare isugu jira naf iyo maal oo ka dhasha dooxyada dalka ee soo rogmada oo la tahli waayay in loo sameeyo dhawr Biriij oo laga dhiso dooxyada halista ah si loo badbaadiyo nafo badan oo ku haligma dooxyadaas. Waxaanay bulshada iyo darawalada gaadiidka jidkaas maraa xukuumadda, gaar ahaan wasiirka hawlaha guud ugu baaqeen in dooxyadan wax laga qabto.

Dadweynaha reer Awr Barkhadle, ayaa shalay saxaafadda uga waramay laba hablood oo walaalo ah oo uu Axadii qaaday dooxa Awr Barkhadle, ka dib markii gaadhigii ay saarnaayeen uu dooxa oo rogmanaya ku dhex gadoomay, waxaanay shacabku sheegeen inay waayeen cagafyo ama qalab kale oo ay ugu gurmadaan hablahaas iyo dadka kale ee uu dooxo qaado sannad walba

Hooyo ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafadda la hadashay ayaa tidhi “Daadkaas isagoo yar ayay soo galeen habluhu, kolkaas wadadu way go’day oo xaggan soke way ka jiiftaa, oo baabuurtu way gashaa markuu daadku marayo, markiba laamida ayuu ka tuuray, intaanu aad uga tuurin way qayliyeen oo hoonkana way garaaceen, wax gurmad loogu sameeyo waa la waayay. Saddex inan ayaa u tagay, markuu gacanta u taagay gaadhigii ayaa ciiray oo. wax qalaba oo loogu shaqeeyo, wax gaadiid ah oo dawladu leedahay oo jooga ma jiro, wax adeeg dawladeed oo cagaf oo kale ama xadhig la qabsado oo qofka badbaadin karaa ma jiro, laakiin qof cabaadaya ma badbaadin karno, waa la badbaadin kari waayay.” ayay tidhi hooyadaasi oo dawladda ka codsaday in dhulka dooxyada ah la geeyo qalab wixii shil ah ee yimaada loogu gurmado.

Mid ka mid ah ragga deegaanka ayaa isna sheegay inaanay arag wax gurmad dawladeed ah “Intii hroe wixii la tacaalayay shacabkay ahaayeen, dhibaatooyinkaas mar qudha oo gurmad xukumadeed oo la arkay ma jirto, intaanu xadhko isku xidhxidhno ayaanu dadka badbaadin jiray, xukuumad kasta oo meesha soo martaana way arkaysay.” ayuu yidhi.

Darawalada Gaadiidka isaga goosha galbeedka iyo bariga oo iyana halkaas saxaafadda kula hadlay ayaa wasiirka hawlaha guud ka codsaday inuu wax ka qabto dhibaatadan oo ay masuuliyadeeda tahay wasaaradda hawlaha guud, waxaanu yidhi “Waddooyinka waxa u xilsaaran hawlaha guud iyo cid kastooy khusayso waxaan leeyahay dadkiina intaad dhaldhalaal wax kaga doonaysaan waxbaad ka qaadaane waxaad ku celinaysaan wax muhiima ugu qabtoo dooxyadan naf iyo maalba khasaare gaysanaya dadkana oohinta ku sababaya waar biriishyo u sameeya.”

Geesta kale, dooxa Arabsiyo ayaa shalay xanibay gaadiid tiro badan oo u kala gooshayay bari iyo galbeed, kuwaas oo ay saarnaayeen dad safrayay oo markii dambe ee ay waayeen Biriish ay ka gudbaan dib ugu noqday bari iyo galbeed oo ay ka kala yimaadeen.