Khasaaraha Puntland Ka Soo Gaadhay Dagaal Kooban Oo Ay La Galeen Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Sanaag Degen

0
1082

Sanaag(Geeska)-Dagaal sababay dhimshada saddex askari oo Puntland ah iyo dhaawac kale oo badan ayaa ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ku dhex maray bariga gobalka Sanaag.

Dagaalka ayaa ka dhacay kadib markii uu wasiirka waxbarashada ee maamulka Puntland oo xiligii imtaxaanaadka ku jiraa uu yimid deegaanadaas isla markaasna ay ciidamada qaranku ka hor istaageen galitaanka magaalada Dhamala-cagare.       Dagaalka halkaas ka dhacay ayaa sababay in ciidamada Puntland laga dilo saddex askari iyo sida oo kale dhaawacyo badan waxaanu warku sheegayaa  in aanay dhimasho jirin dhanka Somaliland.

Wasiirka Cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa maalmii ugu danbeeyay si nabad ah deegaanadaas ku maraayay waxaana markii uu ka soo laabtay deegaanka isaguna yimi wasiirka waxbarashada ee Puntland oo arimaha imtaxaanaadka maamulkaas halkaas u tagay.

Wasiirka cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi oo wargeyska Geeska Afrika uu la xidhiidhay isaga oo markaas ka soo laabtay Sanaag, waxa uu yidhi“ Dadka deegaanka aad ayay noo soo dhaweeyeen waxaanu tagnay Carmala, Dhamala-cagare, biyo Guduud iyo magaalooyin kale oo badan dhamaantoodna Somaliland si fiican ayaa naloogu soo dhaweeyay.maalmihii ugu danbeeyayna halkaas ayaanu ku joognay.”

Wasiirka oo aanu wax ka waydiinay dagaalka waxa uu ku jawaabay “Carmala ayaa uu nin ah wasiirka waxbarashada ee Puntland uu is yidhi kaalay laakiin waxa u diiday oo ka horistaagay ciidamada qaranka, khasaarana sida warku igu soo gaadhayo waa uu ka dhacay dagaalkaas.”

Taliye Xuseen Faarax Aadan ( Xuseen dheere ) oo taliyaha ciidamada aagaas dagaalku ka dhacay ayaa tilifishanka Bulsho u waxa uu u sheegay sida dagaalkaasi u dhacay iyo jiritaankiisa” way jirtaa, xuduuda Somalilandna ma xidhna waana laga hortagay oo waa la’la dagaalamay, walina jiida kama bixin laakiin waa la daba joogaa, ciidan ilaa iyo dhawr iyo toban gaadhi ah ayaa uu wataa wasiirku laakiin waa la baacsanayaa oo waa la daba joogaa.”

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dhankooda in dagaalkaas ay kaga dhinteen saddex askari isla markaasna ay jiraan dhaawacyo kale. Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay maamulka Puntland ay u sii daynayaan maxaabiis  hore loogaga qabtay jiidda Tuko-raq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here