Khabiir Sheegay Inay Itoobiya Si Dad’ban U Aqoonsatay Somaliland

0
2088

 

khabirHargeysa (Al-iqtisaadiya/Geeska)- Dr. Xamdi Cabdiraxmaan oo ah khabiir ku xeel dheer culuumta siyaasadda oo u dhashay dalka Masar, isla markaana bare ka ah laba jaamacadood oo waaweyn oo ku kala yaalla dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa maqaal dheer oo uu dhowaan ku qoray wargeyska Al-Iqtisaadiya waxa uu ku qaadaa dhigay aragtidiisa siyaasadaha carabta ee ku waajahan Soomaaliyadii hore.

 

Dr. Xamdi oo tan iyo sannadkii 2005-ta la taliye u ahaa shabakadda daraasaadka nabadda  ee dalka Sweden, waxa uu qoraallo joogto ah ku leeyahay wargeysyada waaweyn ee Al-Ahram, Al-ahram al iqtisaadiya, Aljazeera net iyo wargeysyo kale oo badan. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in Itoobiya ay si dadban oo waaqacu muujinayo ay u aqoonsatay Somaliland isla markaana Maraykanka iyo dalal kale isla tubtaas Itoobiya ku socdaan, waxa aanu u soo jeediyey dalalka carabta in ay Soomaaliya u qabtaan shirweyne dib-u-heshiisiineed oo ay uga tusaale qaadanayaan shirkii beelaha Somaliland ee Burco ka dhacay sannadkii 1991-kii, shirkaad oo ah kii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madax bannaanida Somaliland.

Dr. Xamdi, qoraalkiisan oo aad u dheeraa, waxa dawladaha carabta ku canaanta in ay iska illaabeen dalkii la isku odhan jiray Somalia oo dabcan xubin ka ahaa ururka jaamacadda Carabta, waxa aanu madaxda carabta ku sheegay in ay keliya ka adag yihiin in sannad kasta shir madaxeedka ay isugu yimaaddaan ururka Jaamacadda carabta, war murtiyeedkooda ay ku soo daraan, Soomaalidu in ay arrimaooda ku dhamaystaan wada hadallo iyo is faham, dhinacna ha iska dhigaan khilaafka iyo qaybsanaanta. Isaga oo ku duraya in ereyadaas aanay waxba u raacin carabta wax ficil ahna aanay isku dayin. Maqaalkan oo aad u dheer ayuu wargeyska GeeskaAfrikasoo qaatay qaybihiisa ugu muhiimsan guud ahaan iyo gaar ahaan inta khusaysa arrimaha Somaliland.

Dr. Xamdi waxa uu sheegay in dawladda uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ay tahay mid gebi ahaanba ku fashilantay wixii loo dhisay, isla markaana aan laga rajayn karin in ay qabato waxa ay qaban kari weyday muddadii ay soo jirtay.

Dr. Xamdi waxa uu maqaalkiisan ku sheegay in khilaafka hadda taagan uu yahay keliya sidii looga badbaadi lahaa in Somalia ay ku dhacdo dawlad la’aan maadaama oo waqtigii hay’adaha dawladda ku-meel-gaadhka ahi dhammaad yahay, waxa aanu sheegay in xalkii arrintaa loo heli lahaa ay isku khilaafsan yihiin dawlahada iyo ururrada gacanta ku haya arrinta Soomaaliya. Tusaale ahaan, sida uu Xamdi sheegay, ururka IGAD oo midowga Afrika taageero ka haystaa waxa uu doonayaa in arrintan lagu xalliyo Baarlamanka ku meel-gaadhka ah oo loo kordhiyo waqtiga muddo saddex sano ah, kadibna baarlamanku soo doorto madaxweyne soo xusha raysalwasaarihiii soo dhisi lahaa dawladda dambe. “Sida muuqata waxaa soo jeedintan IGAD aad ula dhacsan guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan” ayuu Dr. Xamdi ku yidhi maqaalkan, isaga oo sii socdana waxa uu sheegay in xalka noocan ah ay caaridsan yihiin dawladaha deeqda bixiya iyo Qaramada midoobey, oo iyagu nidaamkan u arka mid ka hor imanaya habka dimuqraadiyadda iyo weliba doonsita shacabka Soomaaliya, “Taas macnaheedu waa in ay jirto cabsi caalamiya oo dhab ah, taas oo odhanaysa, dunida guud ahaan iyo gaar ahaan reer galbeedka oo taageera dawladda hadda ee TFG oo la og yahay in ay tahay fadhiid waxaa ka dhalanaya in ay korodho shacbiyadda xoogagga mucaarka ee ay hoggaaminayaan Al-shabaab” ayuu qoraalkan ku yidhi Dr. Xamdi.  Waxa uu sheegay in weerarradii 11-ka September ay maskaxda Maraykanka iyo reer galbeedka oo dhan ku soo celisay arrinta Soomaaliya oo ay  arkeen in ay halis ku tahay amniga caalamiga ah, taas oo keentay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. George Bush uu 20 sano kadib keeno istaraatijiyad dalkiisa ka leeyahay Soomaaliya oo ah mid xoogga saaraysa dhinaca amniga, taas oo macnaheedu yahay in la taageero hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee la jaalka ah reer Galbeedka si ay taasi Maraykanka iyo xulafadiisaugu fududayso in ay fuliyaan hawlgallo milateri oo ka dhan ah waxa lagu magacaabo la dagaalanka argagaxisada ee Afrika. Quusta uu qoraagu ka muujiyey arrimaha Soomaaliya kadib waxa uu u soo jeestay dhanka Somaliland. “Marka aynu ka fogaanno murannada iyo soo jeedinaha nabad-raadinta dunidu waddo ee is burinaya, waxaa cad in riyadii Soomaali weyn ay maanta noqotay wax aan la ggaadhi karin.

Somaliland oo ah dhanka woqooyi, sannadkii 1991-kii ayaa ay ku dhawaaqday madax bannaanideeda, tan iyo waqtigaasna waxa ay u shaqaynaysay hab dawlad madax bannaan, in kasta oo aanay weli ictiraaf helin. Somaliland waxa ay leedahay calan, lacag, hees qaran, hay’ado xukuumiya iyo nidaam dawladnimo” Ayuuu Dr. Xamid ku yidhi maqaalkiisan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ay leeyihiin baasaboor u gaar ah oo illaa hadda ay ku-safarkiisa ogol yihiin dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfur Afrika. Isaga oo ka hadlaya xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka dunidana waxa uu yidhi, “Waxaa xusid mudan in Itoobiya, ay qarka u saaran tahay in ay aqoonsato Somaliland, marka la eego ficilladeeda waaqaca ah, waxa ay magaalada Hargeysa ee caasimadda ah ku leedahay xafiis ganacsi, sidoo kale waxa ay ujeedooyin ganacsi u adeegsataa dekedda Berbera. Aqoonsigaa waaqiciga ah ee ay Somaliland ka haysato Itoobiya waxaa dheer, dawlado kale oo jidkaa haya, waxaana ugu soo horreeya dalka Maraykanka oo isaguna maamulka gobolkan la shaqeeya, isaga oo doonaya in uu u maro xoojinta amniga iyo degenaanshiyaha gobolka, iyo in ay Somaliland ka caawiso la dagaalanka budhcad badeedka caalamiga ah ee ka qadhaabta gacanka cadmeed”

Waxa kale oo uu qoraagu ka warramayaa xidhiidhka dalka Kenya la leeyahay maamullada ka jira gobollada koonfureed ee Soomaaliya, oo uu sheegay in uu yahay mid ay Kenya ku doonayso in ay iskaga fogeyso Alshabaab. Waxa kale oo uu qoraalkan kaga warramaya maamul goboleedka Puntland oo uu sheegayo in dhismihiisu sii cakirayo oo keliya xal u helidda arrinta Somalia.

Ugu dambaynta waxa uu qoraagu kula talinayaa dalalka Carabta ee kala ah Masar, Sucuudiga iyo Qatar in ay qabtaan shir weyne dib u heshiisiineed oo ay isugu keenayaan Soomaalida, arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in qoraagu uu dalalkan u soo jeediyey in shirkan dib-u-heshiisiinta ay uga tusaale qaataan qaabkii uu u dhacay shirweynihii Somaliland ee sannadkii 1991-kii beeluhu isugu yimaaddeen magaalada Burco.

“Carabta waxaa ku waajib ah, in ay soo celiyaan ku baraarugsanaantii ay sida xadaaradda ah ugu dhaqaaqi jireen arrimaha difaacooda, si ay uga hortagaan khataraha kaga soo food leh barnaamijka edegeynta dunida ee uu wado Maraykanku. Waxa aanan aaminsanahay in arrinta Soomaaliya oo ay dunida carabtu u tixgeliso in ay tahay arrin carbeed iyo mid muslim oo badhax tiran inay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarka carabta iyo Islaamka” ayuu maqaalkan aynu soo koobnay ku soo xidhay qoraagu.