Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah

0
825

Hargeysa(Geeska)- John M. Rosenberg oo ah khabiir Maraykan ah oo degen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kuna takhsusay arrimaha qaaradda Afrika, ayaa ka digay  in Somaliland ay qadiyadeeda gayso maxkamad caalami ah.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18 May ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada hadal caalami ah oo la raacayo nidaamka wada hadalada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah, haddiise qodobkaas la waayo, wuxuu soo bandhigay  qodobka labaad oo ah inay ku kala bixi karaan maxkamad caalami ah. “Arrinta labaad ee lagu kala bixi karaana waxa weeyaan Maxkamad Caalami ah oo aynu arrinteena toos u geysano.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Hase yeeshee khabiirkan oo aad ula socda arrimaha Somaliland iyo guud ahaan Afrika ayaa qoraal uu 21 May soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu kaga digay aragtida ah in qaddiyadda Somaliland la geeyo maxkamad caalami ah, waxaanu Mr. John M. Rosenberg yidhi “Dawladda Somaliland waxa ay sheegtay inay qorshaynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guuldaraysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo.” Sidaas ayuu yidhi Mr. John.

Mr. John Rosenberg ayaa wuxuu ka mid ahaa la taliyayaasha murashax Michael Bloomberg oo ka mid ahaa murashixiintii ka qayb gashay doorashada xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka dhexdiisa, balse aan guulaysan, waxaanu qormooyin ku saabsan siyaasadda dawladda Maraykanka ee Afrika ku baahiyaa wargeysyo kala duwan.