Kenya Oo Ugu Danbayntii Ku Dhawaaqday Inay Xidhay Xuduudka Ay Somaliya La Leedahay

0
686

Hargeysa(Geeska)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xidhay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Ismamaulka Lamu, waxayna sheegtay in aanay jirin cid ka soo gudbi karta xadka Kayuunga iyo Raaskaambooni.

Kenya ayaa arrintan u sababaysay walaac dhanka amniga ah oo ka jira deegaanadaasi. Waxaanay amartay ciidamada amaanka oo kaliyaata inay gudbi karaan, dhanka kalena waxay ganacsatada isaga gudubta Somaliya iyo Kenya ay ku amratay in aanay xuduudkaas u dhawaan hadii ay xuduuda ka talaabaana laga noqon doono liisamada ganacsiga ee ay haystaan.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sabaab ayaa weeraro kala duwan horay uga fuliyay deegaanada Lamu iyo dhanka xadka Raaskaambooni ee Soomaaliya.

Kenya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay soo saaraysay amaro kala duwan oo ay culays ku saarayso Somaliya oo ay isku khilaafsan yihiin xuduuda biyo badeedka, waxaana hada muuqata in Kenya ay awoodeeda oo dhan dul dhigtay in Somaliya ay kala laabato dhamaan macaamilkii labada dal u dhaxeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here