Kenya Oo Bilowday Inay Qaxoontiga Somalida Dib Ugu Celiso Xeryaha Qaxoontiga

0
632

Picture3Dowladda Kenya ayaa kooxdii ugu horeysay oo qaxooti ah dib ugu celisay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Ilaa hadda in ka badan 280 qof ayaa lagu celiyay xeryaha qaxootiga, sida ay dowladda sheegtay.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka arimaha gudaha ee Kenya oo ay daabaceen wargeysya dalka ayaa lagu sheehgay in howsha dib u celinta qaxootiga ay socotay saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay.

Tiradii ugu dambeysay ee la qaaday ayaa waxa lagu sheegay 170 qof oo 56 ka mid ah ay gaadheen xeryaha Dadaab.

Hay’adda qaxootiga ee UNHCR, maamulka xerada Xagardheer iyo laanta qaxootiga u qaabilsan Kenya ayaa dadkaasi ku soo dhaweeyay Dhadhaab.

Jibriil Ismaaciil Weyrax oo kamid ah dadka xeryaha qaxootiga lagu celiyay, ayaa sheegay in la qabtay isagoo caruurtiisa iyo xaaskiisa la joogo, keligiisna la xidhay, haddana reerkiisa aanu meel ku ogeyn. Wuxuuna intaa ku daray in rabitaankiisa aan lagu geyn halkaasi.

Mahdi Siyaad oo ka mid ah dadkaasi la geeyay Dhadhaab, xaaskiisana kaga tagay Nairobi ayaa dhankiisa tilmaamay in afar bas ay ahaayeen markii la qaadayay, laguna soo dhaweeyay xerada Xagardheer.

Gudoomiyaha Xerada Xagardheer Xuseen Yusuf Faarax oo looyaqaano Macalim Dahir, ayaa sheegay in roobab ka xilligan da’ayo ay dhaliyeen in qaar kamid ah basaska ay dhiiqo galeen.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in dadka qaar ay sheegayaan inay doonayaan inay usii gudbaan dalka Somaliya, halka qaarna ay qorsheynayaan inay halkaasi sii joogaan.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya, qeybta koobaad ee dadkan la celiyay inay gaadhayeen 111 qof.

Dadkan oo lagu qaaday basas, waxaa kexeysay dowladda Kenya, waxaana dhamaantood lagu qabtay howlgalka ka socda magaalada Nairobi ee dowladda ay sheegtay inay ku baacsaneyso dadka sharci la’aanta ku joogo magaalooyiinka iyo amni soo celin.

Bishii July ee sanadkii 2013 kii Maxkamadda sare ee Kenya ayaa diiday go’aan dowladda ay gaadhay dhammaadkii 2012-kii, kaaso ay ku dooneysay inay dib ugu celiso qaxootiga magaalooyiinka xeryaha loogu talagalay.

Maxkamadda ayaa sheegtay, dib u celinta qaxootiga in ay carqalad ku tahay sharafta iyo xuriyadda dhaqdhaqaaqa, ayna keeneyso in si dadban loogu qasbo inay Somaliya ku noqdaan qaxootiga.

Sidoo kale, Maxkamadda waxay tilmaamtay in dowladda aysan cadeynin in tallaabada dib u celinta ay kaalin ka qaadan karto in amniga la sugo.

Soure: BBC/Somali