“Keligood Taliyeyaasha Afrika Markay Xukunka La Wareegaan, Ragga Saaxiibbada La Ah Way Xidhi Jireen”

0
614

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo dhawaan loo diiday inuu ka qayb-galo tartanka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa Shalay ka hadlay Xaaladda Xisbiga KULMIYE.

Siyaasiga oo ka hadlayey Xaflad ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u adeegsaday xeer aan wanaagsanayn, kaasi oo uu ku sheegay ‘Xeerka Bisadaha oo dhigaya in hadba ka ugu awoodda badani Hilibka la helo wada qaato’, laakiin wuxuu sheegay inaanu Xisbigaa ka baxaynin.

Siyaasi Qabo oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Kulmiye guuxaa wuu iska leeyahay, Waayo? Xuseen Axmed Caydiid iyo Xirsi waxaan ugu imid Kulmiye Maantana waa WADDANI, Laakiin uga bixi mayno dhufayska oo uga yaaci mayno oo waxaanu is leenahay waad la dhamaysanaysaan haddii Allaah yidhaahdo.”

Qabo waxa oo uu ka hadlay Su’aalaha ay Dadweeynuhu ka waydiiyaan khilaaf uu sheegay inuu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Biixi “Laba Su’aalood baa la I waydiiyaa, Madaxweynaha Saaxiib baad ahayd oo waad isku dhawaydeen ee siday wax u dhaceen, weliba Raggii ugu dhawaa ee sida fiican ugu ololeeyay. Siyaasaddu waxay leedahay Surmo-seegto, siyaasaddu Suul-dhabaalayn bay leedahay, siyaasaddu Soof-daran habow bay leedahay, siyaasaddu Siibasho iyo Sinbiririxasho ayay leedahay, siyaasaddu wax isku wada toosan maaha, Maalinba midab bay yeelanaysaa, markaa midabbadeeda ayuun baa noocan noqday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Had iyo jeer Keligii Taliyeyaasha Afrika markay xukunka la wareegaan raga Maca la ah ee Saaxiibbada la ah Qaar way xidhi jireen, qaar waxa laga yaabaa inay Dacaayado iyo waxyaabo kale u sameeyaan, laakiin imika Baraha bulshada ayaan wax badan, lagama yaabo inuu xadhig ama wax kale u qarsoomo.”

Siyaasigu waxa kal eoo uu sheegay “Waxaan ku soo ururinayaa annaga Saaxiibkayo wuxuu noo cuskaday Xeer aan wanaagsanayn oo la isku cuskado, Xeer bay leeyihiin Bisaasku ama xeerka Bisadaha, markaa waxaanu leenahay Goblan talo Adduunyooy ilayn Good Abaal male..”ayuu yidhi.