Rabat (Geeska)- Ururka Islaamiga ah ee Waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka oo magaciisa loo soo gaabiyo ISESCO ayaa maalintii jimchaha ee dorraad 5tii Bisha Sagaalaad 2014ka waxa ay ugu baaqday dowladaha dunida Islaamka in ay laban-laabaan dadaalladooda ku waajahan la dagaallanka akhris/qoraal la’aanta iyo in hoos loo dhigo heerka muwaadiniintooda aan awoodin in ay wax akhriyaan ama qoraan. Ururkan oo u shaqeeya qaabka hay’adda qaramada midoobey ee UNESCO oo uu magaceeda oo kale sito, balse isagu ku kooban dunida Islaamka ayaa caddeeyey in akhris/qoraal la’aantu ay gaadhay boqolkiiba 40 ragga ah iyo dumarka oo maraya boqolkiiba 65.
Ururka ISESCO oo ay xaruntiisu tahay magaalada Rabat ee caasimadda dalka Marooko ayaa war-murtiyeed ay ku beegtay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka akhris/qoraal la’aanta oo ku beegan 8da Bishan Sagaalaad oo ah Isniinta berri, waxa ay ku sheegtay in akhris/qoraal la’aanta (Aqoon la’aanta) ku faaftay dalalka dunida Islaamka ee sii badanaysaa ay caqabad ku tahay dadaallada horumarinta iyo hour-kaca dhaqaale ee dalalkan.
Bayaankan ISESCO waxa uu caddeeyey muhiimadda ay leedahay in lala dagaalamo aqoon la’aanta oo Malaayiinta muwaadiniinta ah eek u dhaqan dunida Islaamka fursad loo siiyo in ay ka qayb qaataan adeegyada bulshooyinkooda iyo ka shaqaynta horumarinta dalalkooda.
ISESCO waxa ay ku baaqday in xukuumadaha dowladaha Islaamku ay horumariyaan siyaasado cad oo la daraaseeyey oo ka shaqaynaya la dagaallanka akhris/qoraal la’aanta, waxa aanay kula talisay in arrintan qorshaheeda lagu daro siyaasadaha qaran ee xoogga la saarayo wax-ka-qabashadooda.