Kaftanka Siyaasada , Mucaaridnimo Ma Sahlana W.Q Axmed Nuur Gurjuuje

0
663

Haddii Dawladnimadu noqon lahayd baabuur qurux badan , oo dareewal uu ka yahay qofkii dadkii laha u dhiibteen , mucaaridnimaduna waa Taraafiga wadada iyo nidaamka ku ilaaliya wadaha baabuurka , si aanu shil iyo khaladaad u gelin .

1

Askariga Taraafikadu Dareewalada wuxuu ku tumaa siidhiga , wuu joojiyaa waanu ganaaxi , laakiin Mucaaridku wuxuu ku tumaa Xukuumada qaylada iyo sawaxanka .

Taraafikadu Dareewalku hadii qaladaadkiisu bataan , waxay kala noqdaan liisanka wadista , si ay dadka ugu qanciyaan in aan si fican loogu shaqayn , loona baahan yahay in Xukuumada la badalo , oo ay kalsoonida ugala noqdaan .

Taraafikadu habeen iyo maalin wadada kama hoydaan , dhaxanta iyo qabowgana kama dhaqaaqaan , waxaanay heegan u yihiin , ilaalinta wadada iyo wadayaasha , mucaaridkuna wuxu sidoo kale mar walba u taagan yahay , raadinta dhaliisha xukuumada , soo bandhigista dhaliisha iyo qancinta dadwaynaha .

Shaqada adag ee Taraafikadu waxay keentay in Caalamku ka gudbo , taagnaanta hareeraha jidadka , waxaanay wadayaasha bareen , ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta nidaamka wada marista , taasoo midhaheedi noqdeen , in wadayaasha baabuurta ee sabankani , aduunka la shaqeeyaan kamaradaha ku xidhan wadooyinka iyadoo aan askari joogina u hogaansanaadaan waajibaadka waddo marista .

Sidoo kale shaqada hagar la'aanta ah ee Mucaaridku waxay keenay in Dawladaha Caalamku ku dhaqmaan sharciga , maamulka wanaajiyaan , hawl-gadashadooduna noqoto mid hufan oo aan daah-saarayn , waxaanay xaqiijiyeen inay isla xisaabtamaan intaan mucaaridba la xisaabtamin dadkuna dhaliishoda arkin .

Aduunyada casriga ah ee maanta , dareewalku wuxuu shaqadiisa u ilaashida sida caafimaadkiisa , maxaa yeelay sharciga kama dhuuman karo , dawladuhuna waxay sharciga u ilaaliyaan sida indhahdooda maxaa yeelay mucaarid aan ka jeesanayn ayaa ku dabo taagan . wadaha dambaaba isagaa is ganaaxa , masuulka fashilmaana isagaa is casila .

Dariiq bilaa taraafiyi wuxuu keeni karaa , dareewal qarda-jeex oo banaanka dadka ku jiidha intuu wadada iskaga yimaado , wadan bilaa aan lahayn mucaaridna wuxuu keena , Xukuumad aan xakame iyo dabartoona lahayn oo xaquuqda dadkeeda ku tumata .

Sidaa darteed , Mucaaridadu waa ilaaliyaha Danta guud iyo Dawlada , Mucaardnimaduna ma sahlana .

ugu dambayn aan kusoo xidho qormadaydan kooban , heestan soomaaliyeed ,

Wadaanta xadhigaa walwaalaayee ,

Hadaanu wadin weel ma noqoteen .