Kaftan: Guuguule Oo Gabay Siyaasadeed Ka Soo Qaaday Saylici

0
852

Picture6

Sidii aan idiin balan qaaday, ninkii Saylici oo kursi loo dhigay beer yar oo gurigiisa ku dhex taala ayaan xalay ka soo qaaday gabaygan hoos ku qoran, waxaanu yidhi 

Awoowgay Maxamedoow! (Maxamed Case)

Arrin wayga madowyoo

Habeenkoo mugdiyaan

Mirkacaa adhaxdiisoo

Aan miraa taladoo

Midba meel ku xidhaa

Maalintiina ma seexdo

Intaan maalin sawaalay

Een maqrib faallo ku gaadhay

Timahaa madaxaaga

Tiro ways metelaane

Ilaahay magantiiye

Aan is muujiyo dhowaan

Mise waan yar sugaayoo

Minkiisaan badiyaaye

Hadaan Mawdku i qaadin

Mar baan faalka dhigaa

Waxay mooradu keento

Murtideed ku dhaqmaa

Mise wayska samraayoo

Waxba yaan is maqiiqine

Mansabkaa kuxigeenku

Kollay wayska minxiisiyo

Maqaarsaar wax la moodye

Raggan meesha ordaaya

Kooda guusha la meera

Ayuun baan martiyaayoo

Mahad Eebe idhaayoo

Midigtaa qabsadaa

Bal malee Hud-hudoow

Oo maxaad odhanlayd

Haygu soo mutuxnaane.