Kaftan: Guuguule Oo Gabay Ku Socda Maxamed Biixi Ka Soo Qaaday Muuse Biixi

0
692

Picture3Anigoo xalay gelin dhexaadkii gaaf-wareegaya Hargeysa ayaan ka dul degay ninkii Muuse Biixi oo hoos fadhiya geed ku yaala gurigiisa. Waxaanan ka soo bawsaday gabay kooban oo uu iigu soo dhiibay Maxamed Biixi, waxaanu yidhi

Horta Maxamed Biixoow

Ilayn waad maqnaydoo

Dalka maanad joogine

Marmar inaynu kulaniyo

Magac guud ha joogee

Ma taqaan nimaan ahay?

Inaan Muuse ahayoo

Aan Mujaahid weynoo

Muruq sheegta ahayoo

mahadhooyinkaan dhigay

Dadku igaga maagaan

Ma haystaa warkeedii?

Mise Baan Ki Muunoow (Ban Ki Moon)

Maba ogid midhkaasoo

Gudcurkoo madow iyo

Magangooyo dama baad

U maleegantahay socod.

Bal hadda ninkii Maxamed Biixina aan ka war doonee hala iga war sugo inuu ka jawaabo iyo in kale.