Kacaankii Kamaradda W/Q Rooble Maxamed Saxardiid

0
1062

Kacaankani waa kacaan wakhti ee maaha mid da’eed waayo yar iyo waynba wuu leeyahay. Waa kacaan indhaha ku kala qaaday tiknoolojiyadda, soo shaac baxa iyo magac samaysiga. Da’da kacaankani waxay u dhaxaysaa 12 jir ilaa 120 jir si isku mid ah uun baanay kamaradda ugu tartamaan. Ma kala laha hayb, haybad iyo heerar midna. Waxa keliya ee laga siman yahay waa muuqo iyo kamaraddu ha ku qabato. Xalaal iyo xaaraan, run iyo been, xaqiiqo iyo huuhaa midna uma kala soocaan.

Kacaankan waxba kuma aha inta uu meheraddaada sawir ku galo in uu yidhaahdo anigaa leh inta uu og yahay in ay magac u keenayso ee in uu muuqdo ay ka caawinayso. Tilifoonnada waxay ku iibsadaan hadba siday u kala kamarad fiican yihiin iyo sida ay degdeg wax ugu sawiri karto. Isagoo dariiqa iska maraya hadduu arko qolo hawshooda iska wadata isagu waa kii ku leexda ee sawirrada isu dhiga uun. hadhow uun baad arki isagoo meelahaa soo dhigaya oo leh qoladaasaan hawshaa la waday.

Kacaanka kamaraddu waxba kama xishoodo. Lacag aanuu lahayn buu cunaa, shaqo aanuu qaban buu sheegtaa, fikrado aanuu lahayn buu sheegtaa, mashaariic aanuu ku jirin buu sheegtaa, heshiisyo aanuu waxba ka ogayn buu sheegtaa, guddiyo uu maqlay uun buu sheegtaa iyo qaar kaloo badan. Intaba waxa u haysa kamaraddaa yar. Waa in uu hawlahaa uu sheeganayo dad ku jiray uun sawir la galo ama meel shaqadaasi ka socoto uun uu iskula soo sawiro dadkii hawsha waday. Xataa lambarro telefoon buu ku qortaa inay kuwii Madaxweynaha yihiin oo uu yidhaahdaa khaati baan ka joogaa taleefannadiisa.

Kacaanka Kamaraddu xataa cibaadadii bay la gashay. Salaad aan kamarad wadan ma tukado, soon aan lagu sawirin haba sheegin, Xajka isaga Live ama toos baa looga muuqdaa, sadaqadana hadalkeeda daa. Intaasiba haddaanay kamarad wadan isma yaqaanaan.

Kacaanka Kamaraddu kelmedaha uu caan ka ku yahay waxa ka mid ah; Selfie, Snapchat, Facebook, WhatsApp, igu sawir, waxaanu maanta halkan u nimid, waxa aanu maanta xadhiga ka jaraynaa, waxa aanu qayb ka nahay, waxa aan ku adkeeyay, waxa aanu caalamka u sheegaynaa, cid waliba maanta way arkaysaa, dadaal badan baanu u galnay, waxa aan live u soo galay, waxa aan rabaa inaan wax ka idhaahdo, waxa aan u jawaabayaa, waxa aan isugu kiin yeedhay iyo qaar kele oo badan.

Kacaanka Kamaradda xilka uu hayo, shaqada uu hayo iyo masuuliyadda saaran waxa kala wayn muuqaalka kamaradda. Haddii uu qasabad meel geliyo oo uu sawir ku galo markaasaa ugu dambaysa, haddii uu waddo dhiso markaasaa ugu dambaysa, haddii uu guryo dhiso waa sidaas, haddii uu meel xadhig ka jaro waa bes, haddii uu qolo qandaraas ku wareejiyana haba sheegin. Maalintaa kamaraddu ay ku dhacdo ayaa ah dhamaadkii hawlshaas wixii ka dambeeyaana waa kamaradda tan xigta sidii loo qorshayn lahaa.

Kacaanka Kamaraddu waa cudur ku cusub dadkeenna.

Rooble Maxamed

Hargeysa, Somaliland