Kabtanka Kooxda Dhagoolayaasha Oo Ka Waramay Hankiisa Ciyaareed Iyo Waxa Uu Rajaynayo

0
655

Picture1Sakirye Cabdilaahi Ismaaciil (Zako Hearts), oo ah Kabtanka kooxda kubada Cagta ee Dhagoolayaasha, kana tirsan Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa si xeel dheer uga  waramay sababta ku keliftay inuu ciyaaro kubada cagta,qaabka uu ku fahmo ama uu ku dareemo Ciyaaryahanada ka soo hor jeeda iyo kuwa ay isku kooxda yihiin, hankiisa ciyaareed, mustaqbalka haddii ALLE SWT yidhaahdo halka uu hiigsanayo, Ciyaaryahankan uu ku daydo,halka uu ka ciyaaro, iyo kooxaha uu Caalamka ugu jecel yahay.

Sakirye Cabdilaahi Ismaaciil (Zako Hearts), oo aanu ku wareysanaysa Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika, ayaanu Su’aalo kala duwan oo ku saabsan Ciyaarihiisa aanu ku weydiinay, waxaana ugu horeyn su’aaluhu u dhaceen sidan

S-Sakariye ugu horeyn Dhego la’aanta maad ku dhalatay?.

J-Maya kumaan dhalan, laakiin aniga oo Toban jir ah ayaa  waxa igu dhacay Cudurka Marjaajiska, sidaas ayaana ku dhago baleey

S-Goormaad ayaad bilawday Kubada Cagta?

J-Kubada Cagta  waxa aan bilaabay aniga oo aad u yar,

S-Maxa kugu kelifay inaad kubada cagta aad ciyaarto?

J-Kubada Cagta aad ayaan u jecelaa waligayba, waana mid ka mid ah dookhayga,

S-Isma Kooxood ayaad u ciyaartay?

J-Kooxo badan ayaan u soo ciyaaray, oo ay ka mid tahay kooxda kubada cagta ee  Dhagoolayaasha oo aan Kabtan u ahay, oo xitta safar ciyaareed aanu ku tagtay Gobolka Awdal, waxa kale oo aan u ciyaara kooxda heerka kowaad ee Dawladda hoose Hargeysa

S-Wali ma safatay Tartamada Koobka Gobolada?

J-Haa waan saftay, waxaana u ciyaaray oo aan ka tirsanahay Xulka Gobolka Maroodi-jeex, oo aan la qaaday koobkii Gobolada ee ugu dambeeyey

S-Marka aad la ciyaarayso Ciyaaryahanada kale sidee ayaad u fahantaa?

J-Haddii uu ILLAAHAY dhagihii iga qaaday, Indho aan wax ku arko iyo dareen ayaan leeyahay, waxaana hadba si toos ah ula socda  Kubada iyo Ciyaaryahanada, waana iska ilaaliya Half Side-ka

S-Halkaad ka ciyaarta?

J-Waxaan ka ciyaara weerarka, gaar ahaan baasha midig ee 7-ka,

S-Ciyaaryahanada Caalamka ayaad ka taageerta?

 J-Waxaan taageera oo aan qaab ciyaareedkiisa jecel ahay Laacibka Adduunka hadda ugu wanaagsan ee Cristiano Ronaldo,

S-Kooxaha kala duwan ee Horyaalada Yurub ayaad ka taageerta?

J-kooxaha Horyaalada Yurub waxaan jecel ahay oo aan ka taageera Horyaalka Spain Real Madrid,Horyaalka Inigiriiska Manhester United, Horyaalka Talyaanigana Juventus

S-Maxaad doonaysa inaad Mustaqbalka noqoto?

J-Waxaan doonaya inaan heer ka gaadho Kubada Cagta iyo Ciyaaraha, waxaana rabaa inaan heer ka gaadho, dhawaana waxaan ka tagaya Dubia, si bal aan dhagahayga wax loola qaban karo, aniga oo ILLAAHAY ka rajaynaya in si wanaagsan wax u maqlo una hadlo.