Jamaal Oo Xidhitaanka Xafiiska EU Ee Hargeysa Ku Xidhiidhiyay Heshiiskii Mucaaradka Ee Ay Xukuumadu Ka Baxday

0
503

Picture2Hargeysa(Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ee  xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xafiiska Midawga Yurub ee Somaliland ahaa mid siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba muhiimad balaadhan ugu fadhiyay dalka. Waxa uu sheegay in mashaariicda xukumaddu ku faanto badiba ay qayb ka yihiin horumarka ay midawyga Yurub Somaliland ka taageeraan, sidoo kalena uu ahaa xafiisku mid citiraaf dadban ah.

Jamaal oo ka hadlaya muhiimada EU-da ayaa yidhi “Midawga Yurub waxay ku dhawaaqeen in Somaliland ka bixi doonaan oo xidhi doonaan xafiiskoodii kali ahaa ee Hargeysa. Wuxuu ahaa xafiiskaasi ictiraaf dadban, muhiimad la ina siinayay iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa.” Musharaxa Ucid waxa uu sheegay in arrintani ku timid siyaasad xumo dhanka xukumadda ah “Waxaan aad uga xumahay in markii la arkay xukumaddii oo ka baxday heshiisyadii ay xisbiyada mucaaradka ah la gashay, oo geedi socodkii dimuqraadiyadda dhaawac badani ku yimid, in EU-du go’aan ku qaataan inay xafiiskooda albaabada u laabaan”. Waxa uu sheegay mudane Jamaal inay xukumadda kala shaqaynayaan sidii aanay midawga Yurub dalka uga bixi lahayn “Waxaan leeyahay anagu diyaar baanu u nahay sidii aanu xukumadda ugala shaqayn lahayn sidii loo joojin lahaa Midawga Yurub oo ay dalka u joogi lahaayeen”. Taas badalkeeda waxa uu xukumadda u soo jeediyay inay hirgaliso heshiiska Asxaabta ee ahaa in doorashada la qabto December, 2016 “Waxaa muhiim ah, oo lagama maarmaan ah in xukumaddu hirgaliso heshiiskii xisbiyada ay la gashay ee beesha caalamku makhraati ka ahayd mana aha in nin ama sodon nin dalku u afduubnaado oo la yidhaa waa la soo dhiraan dhirinayaa” ayuu yidhi mr Jamaal.

Hadalka Musharaxa Ucid ayaa imanaya maalin uun kadib markii uu soo baxay in midawga Yurub dalka ka baxay islamarkaana xukumaddu sheegtay inay arrintaasi kala xaajoonayso muhiimad badana xafiiskani ugu fadhiyay. Inkasta oo midawga Yurub ku sababeeyay bixistooda  arrimo dhaqaale oo ah inay kharashkooda dhimmayaan haddana waxaa la ogaa sidii wakiilka midawga Yurub uga soo horjeestay muddo kordhin siyaasadaysan oo xukumaddu samayso iyadoo xukumaddu markii dambe ashkato ka gudbisay ninkani haysta Xafiisyada Midawga Yurub ee Somaliland iyo Somalia, islamarkaana xukumaddu midawga Yurub ka dacwaysay iyadoo la filayo in arrintaasi keentay guurista Midawga Yurub.