Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid ku eedeeyay inay burburinayaan xisbiga UCID oo ay doonayaan inay murashax kale oo waraabe u taag ah u samaystaan.
Jamaal, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in Muuse Biixi iyo Maxmed Aw Siciid ay doonayaan inuu baaba’o xisbiga UCID. Isagoo ugu horayn ka hadlaya eedda uu u haysto Muuse Biixi wuxuu yidhi “Iyadoo aynu awalba ogayn in Muuse si badheedh ah u burburinayo xisbiga UCID, inuu doonayo inuu xisbiga UCID yidhaahdo murashax waraabe u taag ah ayaan samaynsaynayaa. Waa dhaqan siyasadeed aynaan weligeen arag oo ay ka muuqato kelitalisnimo iyo cago juglayn iyo af duub dimuqraadiyadeed.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Jamaal yidhi “Xisbiga UCID hoggaankiisii wuu kala saartay, badhana waa hoggaanka badhana waa murashixiinta, Somaliland oo dhamina way ogtahay, Muuse ma bedeli karo, afkiisana kuma bedei karaayo, wixii ay taageerayaasha UCID doorteen ama sameeyeen.”
Isagoo la hadlaya ganacsade Maxamed Aw Siciid islamarkaana u jeedinaya eedayn, wuxuu yidhi “Waxa waxaas oo dhan igaga sii daran, ninka Muuse dabada ka wada oo Somaliland oo dhamina ka aamusantahay, Somaliland oo dhana dheeraad ku ah, maalkiisuna fitno ku yahay dalka Somaliland waa ganacsade Ina Aw Siciid. wuxuu iska takooray ganacsatadii Somaliland ee jirtay oo dhan, waana nin siyaasad faraha la galay, waa nin doonaya cidda uu doonayo inay kursiga fuusho dabada ka wada.
Waar waa la arki jiray cid cid taageerta, waana xaq ay u leeyiiin qofku cidduu doonayo inuu taageero oo uu cidda uu doonayo lacag siiyo.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi Jamaal, “Maxamed Aw Siciid wuxuu koow ka ayahay shirqoolka xisbiga UCID lagu burburinayo, ninka maalka soo dhiibaya ee fitnada ah waa isaga, waxaan halkan uga sheegayaa Maxamed Aw Siciid ragga haddii aad godob ka gashid ha filin inaad maal yeelanayso oo ay u soconayso.”
Ugu dambayn wuxuu Jamaal xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inuu ka dambeeyay farogelin uu sheegay in lagu sameeyay Saldanada Subeer Awal, isagoo ku soo hadal qabsaday hal uu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Mr. Jaamac Shabeel oo uu ku sheegay inuu ahaa in cadaabaha laga waraabinayo cidda ka hortimaada xisbiga KULMIYE.