Golaha Wasiirada Oo Lagu Falanqeeyay Diiwaangelinta Iyo Qodobada La isla Gartay

0
641

Hargeysa(Geeska)-Shirkii golaha wasiirada ee khamiistii, ayaa si weyn loogu falanqeeyay diiwaangelinta dalka ka socota iyo xaaladda abaareed ee taagan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkaas, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xubno ka tirsan golaha wasiiradu ay shirkii khamiistii oo uu Madaxweynuhu guddoominayay ku soo bandhigeen diiwaangelinta dalka ka socota iyo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.

Xubno ka mid ah ayaa soo jeediyay in diiwaangelinta la hakiyo muddo bil ah, inta uu dalka roobku ka da’ayo, halka ay xubno kalena soo jeediyeen in deegaanada ay diiwaangelintu ka qabsoontay iyadoo ay abaari jirto, gaar ahaan Hawd, Gabiley iyo Awdal loogu daro wakhti dheeraad ah si ay dadka ay abaartu kaxaysay fursad ugu helaan inay is diiwaangeliyiaan.

Doodda oo aad u badnayd, balse nuxur ahaan ku soo ururaysay in diiwaangelinta la joojiyo bil ama deegaanada ay abaartu ka jirto wakhtiga loo kordhiyo, ayaa aakhirkii lagu soo gunaanaday in madaxweynuhu kulan wada tashi ah la yeesho saddexda xisbi qaran, markaas ka dibna mawqif midaysan loola tago guddiga doorashooyinka.

Lama oga in guddiga doorashooyinku ogolaan karaan soo jeedimaha ka iman doona madaxtooyada iyo xisbiyada, maadaama oo shaqadoodu ku salaysantahay jadwal shaqo oo ay hore ugu soo bandhigeen madaxweynaha iyo xisbiyadaba.