Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Xadhiga Haatuf

0
767

Picture2Hargeysa(Geeska)-Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo shirkadaha isgaadhsiinta ku eedeeyey inay u heshiiyeen burburinta xoriyatul-qawlka Somaliland, kaas oo bulshadda ugu baaqay inay dhiidhiyaan ficilada ay xukuumadu kula kacdo warbaahinta madaxbanaan iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in xukuumadda xisbiga Kulmiye ay ku mashquulsan tahay basaasida iyo hagar-daamaynta mucaaridka iyo saxaafada madaxbanaan, kaas oo talaabadii ay shirkadaha isgaadhsiintu ku xanibeen website-yada Haatuf iyo SomalilandTimes ku tilmaamay halkii ugu danbaysay sharci-jabin iyo xad-gudub, isaga oo ku dooday in hadii aan laga gil-gilan dhaqamadda xukuumadda in meel xun laga dooni doono dimuqraadiyada iyo xoriyatul-qawlka Somaliland ku soo caano maashay mudadii ay jirtay.

Musharaxa madaxwaynaha xisbiga UCID Mr Jamaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa), isaga oo ku sugan Magaaladda Boston ee  gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka, kaas oo uu kaga hadlayey dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya talaabadii ay shirkadaha isgaadhsiintu ku xanibeen mareegaha Haatuf iyo SomalilandTimes waxa uu hadalkiisa ku bilaabay

“Arrinkan inagu habsaday waa mid ka soo horjeedda shuruucda dalka, iyo xuquuqda dastuurka ku xardhan ee “Freedom of Speech” ama xuquuqda uu muwaadinku u leeyahay inuu fikirkiisa dhiiban karo ee aan la cabudhin karin. Iyaddoo aan loo marin hab sharciya oo aan la siinin labadan Wargeys in ay maxkamad isku difaacaan bay ahayd. Dawladeenu si badheedh ah ayeey sharcigii waddanka u jebisay ee hadaan waxba qarsanayenin waxay ahayd inay isku difaacdo maxkamad ay dadkoo dhami wadda dhegaysanayaan. Xukuumaddan xisbigga Kulmiye waa tii ugu darneyd ee dalka soo marta ee cabudhisa saxaafadda xorta ah. Shalayto waa tii la ogaa balan qaadyadii beenta ahaa oo ay imikana ku darsatay Dhagax dhigis beena, iyo iyadoo cidii hadasha ee saxaafadda xorta ah iyo Xisbiyadda qarankaba ay duudsinayso xoriyadoodu uu dastuurku xaq u siiyey. Wax kale maahee waxay ka gubanaysaa runta loo sheegayo. Hadday been tahay musuqmaasuqa baahsan ee ay Haatuf sheegtayso bal maxay ula doodi waayeen oo isku difaaci waayeen oo maxkamad rasmiya ula fuulli waayeen. Waxay sameeyeen wax ka fog dastuurka. Shirkaddaha Isgaadhsiintuna in ay xukun maxkamadeed wax ku fuliyaan bay ahayd ee mid wasiir inay wax ku fuliyaan may aheyn oo ay Sharci yaqaankooda (laweyrkooda) la tashadaan bay ahayd”.

S: Ma kuu muuqataa fursad Haatuf uga banaan inay dacwad ka dhan ah xukuumadda iyo Shirkaha Isgaadhsiinta ay u gudbiyaan Maxkamadaha Caalamiga ah?

J: Haatuf xaq bay u leedahay haddii ay xaqooddii ku waayeen dalka gudihiisa inay dacweeyaan shakhsiyaadka ka masuulka ah arrinkani, iyagoo dacwadooda meel kasta oo ay xaq ku helayaan geeynaaya. Arrinkani waa mid sumcad daro u soo jiiddi kara dalka Somaliland oo imika ay la yaaban yihiin saaxiibadeenii inagu taageeri jiray oo la yaaban halkay ka dhacday dimuqraadiyaddii laynagu majeeran jiray. Imika Dalka Maraykanka waxay dawladu ka joojin kari weyday jariiradda “Washington Post” maqaal lidi ku ah dawladda Maraykanka oo ay jariiradu daabacday.

 S: Jamaal, maxaad is leedahay waa lagu joojin karaa tacadiyada ka dhanka ah Xoriyatul-qawlka ee ay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku kacdo?

J: Waa arrin hadaan laga dhiidhiyin, oo imika aad laysaga caabiyin; aynu waayi doono website danbe iyo jariirad danbe oo aynu akhrisano. Waa arrin ugub ku ah Somaliland in ilaa xadkaa la socdo. Waa gabal u dumay saxaafaddii xorta ahayd. Xisbiyadda qaranka iyo Saxaafaddu waa inay ka mudaharaadaan oo weliba qoraalo u diraan hay’adaha caalamiga ah ee caalamka iyo dawladaha Somaliland ku taageera dimuqraadiyadda. Arrina aynu aqbali karno maaha. Saxaafaduna dhamaantood waa inay is ogaadaan in iyagana lagu soo socdo oo ay garab istaagaan Haatuf. Mida kale haatuf iyo somalilandtimes waa in websiteska qurbaha aad loo xoojiyo culeys xad dhaaf ah oo musuqmaasuqa baahsan ee xukuumaddana ummadda loogu baahiyo. Waxaan kula talinayaa xukuumadda in arrinkani uga dari doono oo ay ka waantoobaan. Saxaafadda lama cabudhin karo marnaba ee ha ku daalina ayaan leeyahay.

S: Ma la odhankaraa xukuumadda Kulmiye waxay wayday cid sidii ay u Mucaaridi jireen  Rayaale u mucaarida ayaan jirin oo cidna waxba iskagama tirinayaan?

 J: Haa walaal Naasir waa la odhan karaa; waxaanaynu odhankarnaa dawladani waa xukuumad ka daran tii Daahir Riyaale oo aan xishooneynin, oo aan dulqaad lahayn, aadna u kibir badan. Laakiin siday ku socoto danba mucaaridadu way u gaadhi tii ay iyagu sameyn jireen.

S: Jamaal, waxa jira xogo sheegaya in hawl-wadeenada wargeyska Haatuf in telefoonadooda ay xukuumadu dhagaysato, arrintaasi siday kuula muuqataa?

J: Waa ficil fool xun in xukuumaddu ay ku mashquusho dhegaysiga telefoonada muwaadiniinteeda, waxa ka haboonayd ayaan filayaa inay cadowga Somaliland dhagaysato, basaasidda mucaaridka iyo saxaafadda madaxbanaan ayaabay xukuumadani shaqo ka dhigatay. Waa xukuumad aan shuruucda dalka dhowreynin oo wax walba laaluush, isdaba marin, iyo basaasid uun ku mashquulsan halkay kaga mashquuli lahaayeen in dadka wax loo qabto.

S: Waxa jira amar sida la sheegay maanta ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo lagu qabanayo Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, arrintaasi ma u aragtaa mid wadadii saxda ahayd loo maray?

J: Hadii la qabto guddoomiyaha wargeyska Haatuf  Mr Yuusuf Cabdi Gaboobe waxaan u arkaa inuu yahay xadhig aan wakhtigan loo marin waddada sharciga ah, ficilkasta oo ay dawladu ku qaado-na isaguun baa sumcad ka helaaya iyagana waa u sumcad daro; kolayna berito markay mucaaridka iyo ummadda iyo dawladaha ina taageeraa ku kacaan ayuunbaa la soo deyn. Mana aha wax loo baahan yahay sababta oo ah sida aynu ognahay iyada oo sifo sharciga baalmarsan loo xidhay xaruntii wargeysyada Haatuf iyo SomalilandTimes in xadhigna loogu daro guddoomiyihii wargeyska sida xaqiiqada ah dab ayuun bay xukuumadda Kulmiye ku sii ciyaaraysaa ee waxba ka faa’idi mayso, hadii ay caqli leeyihiina ficilkaas  ku dhaqaaqi maayaan.

 S: Nidaamka ay dawladu u martay xayiraada Wargeyska Haatuf, SomalilandTimes iyo Hubaal,wax ma yeeli kartaa xidhiidhka xukuumadda iyo beesha caalamka ka dhaxeeyey?

 J: Haa sidaan idhi waa sharcigii oo indhaha laga tuuray; sidaasina dal laguma ictiraafo. beeshii caalamka ee inoo soo jeedi lahayd ayaa imika la yaaban fawdada dalka ka socota, waxyeelo ay gaadhsiiso madaxbanaanida Somaliland mooyaane waxba u kordhinmayso burburinta xoriyatul-qawlka dalku.

S: Maadaama oo aad dalka ka maqnayd mudadii la xayiray Haatuf Media Network maxaad u malaynaysaa in laga raacay Wargeyskaas iyo Mareegihiisa la xanibay?

J: Runta ay Haatuf sheegtay ayaa laga xanuusanayaa ee wax kale maaha. saxaafaddana cidii xukuumadda wax ka sheegta waaba car juuq dheh. mida kale weydinkii ogaa ee dadka fariimaha textka iyo facebooka lagu xidhaayey. shacabka Somaliland waa inay arintan ka dhiidhiyaan.

S: Maxaad is leedahay waa lagu joojin karaa xiisadaha ka taagan wakhtigan dalka iyo khilaafka ka dhextaagan xukuumadda iyo warbaahinta madaxbanaan qaybo ka mid ah?

 J: Waxa lagu joojin karaa ficiladan xun-xun iyadoo shacabku uu baraarugo oo haddii saxaafadda iyo xisbiyadda qaranka la soo jiidho in iyaga lagu soo socdo; markaa inay tahay waajib muwaadin kasta saran in aanay cidna ka ogolaanin xoriyadda muwaadinka ee dastuurku ina siiyey. Waxaanan kula talinayaa Mr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu wixii uu ku balan qaaday uu fuliyo oo uu dhowro xuquuqda muwaadiniinta iyo saxaafadda xorta ah ee uu campaignka ku galay si aanay dadku ugu arkin uun inuu ahaa mid uu awrkiisa ku kacsanayaayey. Xukuumadda Kulmiye yaanay dhayalsan xuquuqda muwaadinka iyo xooga ummadda. Waa mawjad ummaddu hadday kaa hor timaadana waa mid ku adkaanaysa inuu xal u helo