Jamaal Cali Xuseen, Ma KULMIYE Ayuu Ku Biirayaa Mise Waddani Ayuu U Socdaa?

0
602

Hargeysa(Geeska)-Wada hadaladii ay Jamaal Cali Xuseen iyo kooxdiisu la bilaabeen xisbiyada KULMIYE iyo Waddani, ayaa ku dhow gunaanad, ka dib afar maalmood oo ay laba maalmoodba xisbi gaar ah la kulmayeen.

1

Si rasmi ah looma garanayo xisbiga ay isugu biyo shuban doonaan midka uu noqon doono, laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Jamaal Cali Xuseen uu mar hore go’aansaday midka uu ku biirayo Waddani iyo KULMIYE islamarkaana ay wada hadaladu yihiin xeelad siyaasadeed.

Labada xisbi ee KULMIYE iyo Waddani ayaa Jamaal Cali Xuseen u soo bandhigay istaraatajiyad kasta oo ay u arkaan inay ku soo xero gelin karaan siyaasigan da’da yar, kuwaas oo uu mid walba gaarkiisa u dhagaystay. una daraaseeyay.

Hase yeeshee dadkan siyaasadda falanqeeya ayaa saadaalinaya in Jamaal uu ku biiri doono xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, marka laga shidaal qaato duruufo iyo dareeno siyaasadeed oo hadda taagan.

Laakiin waxa ay dadkani sii saadaalinayaan in xubno ka tirsan garabkiisan siyaasadeed ay ka baydhi doonaan aragtidiisa haddii uu ku biiro xisbiga KULMIYE, waana xubno iyagu la dhacsan xisbiga Waddani, balse waxa mar walba Jamaal haddii ay dhabowdo oo uu KULMIYE ku biiro raaci doono xubno ka tirsan kooxdiisa.

Waxa iyaguna jira dad aad u kooban oo aaminsan in Jamaal Cali Xuseen ku biiri doono xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyagoo ka shidaal qaadanaya aragtidii fogayd ee uu Jamaal siyaasad ahaan ka taagnaa xisbiga KULMIYE oo uu ku eedayn jiray inay sabab u noqdeen in murashaxnimadiisii madaxweyne meesha ka baxdo.

Si kastaba ha ahaate, maalmo aan fogayn ayaa la arki doonaa inuu Jamaal Cali Xuseen ku biiro xisbiga KULMIYE iyo inuu ka dhex hilaaco xisbiga Waddani.