Jaamacada Shifa Oo Iska Dhex Muujisay Carwada Jaaacadaha

0
754

Hargeysa(Geeska)-Jaamacada Shifa ee magaalada Hargeysa ayaa si heer sare ah uga qaybqaadatay carwada jaamacadaha dalka oo shalay ka furantay magaalada Hargeysa.

Jaamacada ayaa ku dhawaaqday kuuliyado cusub oo ay soo kordhisay iyo qaybteedii labaad oo ay ka furtay magaalada Burco. 

Cali Axmed Cali oo ah maamulka jaamacada Shifa ayaa warbaahinta  ugu waramay jaamacadaas iyo xiliga la aas aasay iyo waliba waxa ay haatan soo bandhigayaan ee ay soo kordhiyeen, waxaana hadaladiisa uu ku bilaabay "Jaamacada Shifa waxa la aas aasay 1999 ilaa hadda waxa ka baxay 15 dafcadood, waxaana sanadkan bixi doonta dafcadii 16naad, waxa ay bixisaa qaybaha caafimaadka ee kala duwan, sanadkana waxa ay soo kordhisay dhakhtarnimadii oo aan bulshada Somaliland ugu baaqayno, Clinical Nursing, Midwifery, Pharmacy & Laboratory, waxaanu kale oo aanu bulshada Somaliland ugu baaqaynaa inaan jaamacada ugu furnay gobalka Togdheer caasimadiisa Burco, waxaanu leenahay jaamacadaasi waxay bixin doontaa culuumtii caafimaadka iyo kuwa kale oo dhan,  bushada oo idil waxaanu ugu baaqaynaa waxii aad nagu barateen ee caafimaadka ahaa iyo qaybii kaleba waanu idiin diyaarinay."

Jaamacada Shifa ayaa inta badan muujisa da'daal xoogan oo ay kaga dhex muuqato jaamacadaha dalka marka ay timaado dhanka waxbarashada.