Jaamac Shabeel Oo Ka Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro

0
619

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo sheegay in qaar ka mid ah Masuuliyiinta Waddani in la weeraray.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeskak Afrika  ayaa sidoo kale Mucaaradka dhaliilo u soo jeediyey, “Waxa aan u arkaa inay khalad ku jiraan Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu, hadalkaas ka soo yeedhay ee ku saabsan jiritaanka Xukuumadda marka la gaadho 26-june, waa hadal la iska yidhi, dalka waxa ka jira nidaam iyo Dawlad, ee Ninka ku fadhiya kursiga korodhsiimada ee Maanta yidhaahda korodhsiimada Guurtidu waa xaaran, waxa la weydiinaya Shantii Sanno Lacagtii iyo Mushaharkii uu qaadanayey, iyo wixii uu kharash qaadatay, oo waxa la leeyahay haddii ay Xaaran tahay soo dhig, oo iska soo celi, wixii intaas aad saxeexday ee sharciya waa waxba kama jiraan, maxa yeelay Hal Xaraani, Nirig xalaal ah ma dhashe, Xeerarka uu intaas soo saxeexayna waxa ay noqonayaan xaaran, korodhsiimada Guurtidu sharci maaha, awoodna uma laha, waxa laga hadlo oo meesha taalaa ma jirto, laakiin sharciyada iyo korodhsiimada ay Guurtidu sameeysay isaga ayaa ku fadhiya, ee haddii uu taas taabto, waxa meesha imanaysa Umadda Lacagtoodii u soo celi”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee XIsbiga Kulmiye ayaa mar uu ka hadlaayey weerarka uu sheegay Guddoomiyaha Wakiiladu in lagu qaaday Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa yidhi “Weerarkaas ha la caddeeyo, Cabdiraxmaan Cirro ayaana lahaa dad aanaan garaynin ayaa weerarka geystay, markaas haddii aan la haynin cidii wax weerartay, oo raad cad aan la haynin wax lagu xiiqo maaha, in cid eedda la saarana maaha”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa mar uu ka hadlaayey isku shadhayntii uu Madaxweynuhu uu ku sameeyey Xukuumadiisa iyo dhaliisha Mucaaradka ayaa yidhi “Dhaliisha isku shandhaynta uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa Xisbiyada Mucaaradka, maxa ka khuseeya, Xisbi ayaa taladda haya, Xisbi ayaa isku shandhaynta leh, cid xilka Wasiirnimo loo dhiibayo iyo cida laga qaadayo, waxa Xisbiyada Mucaaradka khuseeya maaha, wax iyaga khuseeya ha ka hadlaan, waxa Umadda dan u ah ha ka hadlaan”.

Jaamac Shabeel ayaa mar aanu waxa ka weydiinay  dhaliilaha Mucaaradka ee Khudbadkii Madaxweynaha ayaa  yidhi “Xisbiyada Mucaaradku marba meel ayey isku qaadayaan, Madaxweynuhu wixii hor yaalay iyo wixii loo baahnaa ayuu khudbad sannadeedkiisi uu Barlamaanka hor yimid uu kaga hadlay,khudbad sannadeedka uu Madaxweynuhu ka hor jeediyo Sannad walba waxa loogu talagay in hadba wixii jira uu kaga hadlo, markaas Mucaaradka inay wax dhaliilaan waa cadadooda, oo Mucaaradka  amaan lagama filo”

Jaamac Shabeel  Doorashada, ayaa yidhi“Marar badan ayaanu ka hadlay Doorashada, Khudbada Madaxweynaha wey ku jirtay, mawqifkayga ku aadan Doorashadana waanu sheegnay, markaas haddii aan dhego la dhego la yahay maxaanu sameeynaa”

Jaamac Shabeel  mar aanu waxa ka weydiinay Taageerayaal dhawaan ku soo biiray, oo siyaabo kala duwan loo turjumay oo la sheegay inay soo urursadeen ayaa ku jawaabay “Taageerayaal aanu suuqyada ka urursanay ma jiraan, Taageerayasha nagu soo biiray, waa la yaqaana, dad la garanayna weeye, ee ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlo”.

Jaamac Shabeel oo Bulshada baaq u diraya ayaa yidhi “Haddii aan Nabadgeliyada la adkayn oo la ilaalin wax jiraya ma jiraan, oo cid walba oo Nabada waxa yeelaysa laga hor tago, oo gacmaha la is qabsado, oo dadku indho dhaadheer iyo dhego dhaadheer u yeeshaan cid walba oo dhib ku haysa ayaan kula talinayaa”