Jaamac-shabeel Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Khudbaddii Uu Jeediyey

0
351

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajaahan socdaalka Madaxweynaha ee Mareykanka, qaabku uga hadlay qadiyadda madax banaanida Somaliland iyo qaabku ugu jawaabay su’aalihii kala duwanaa ee la weydiiyey.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Safarka Madaxweynuhu ku tagay Waddanka Maraykanka, waxaan u arkaa inuu yahay safar guul inoo ah, oo wax badan ka taraya qadiyadeena, Madaxweynuhu qaabka wacan ee uu soo bandhigay qadiyadeena iyo nidaamka wacan ee uu uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey waan uga mahadnaqayaa, runtiina sharaxaad fiican buu ka muujiyey kana bixiyey madax-banaanideena iyo qadiyadeena, waana ku hambalyeynayaa..”.

Mar uu baaq u dirayey Ganacstada kala duwan ee dalka wuxuu yidhi “Bishii Shabcaan ee khayrka badnayd baynu ku jirnaa, waxaana inagu soo fool leh, waa bishii ugu khayrka badnayd bilaha ee Ramadaan, abaarana dalkeena wey ka jiraan, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu abaaraha inaga dulqaado, ee waxaan Ganactada leeyahay dadkiina u naxariista, oo maceeshada qaaliga ah u jabiya”

Mar ay ka hadlaysay Madaxweynaha waxay tidhi “Waan faraxsan nahay aad baanan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii la socday, iyo khudbaddii uu ka jeediyey…”

Jaamac-shabeel, ayaa ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.