Itoobiya,Soomaaliya iyo  Eritrea Oo Dhisaya Iskaashi Cusub Oo Jabuti Banaanka Ka Joogto

0
704

 

Asmara(Geeska)-Hoggaamiyayaasha Somaliya, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay shalay ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed.

Waxase isbahaysigan ka maqan dawladda Djibouti oo iyadu hore ugu jiri jirtay halka ay Ereteriya maanta ku jirto.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga midho-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

Geesta kale, dalka Djibouti, ayaa ka maqan isbahaysigan, waxaana tan iyo markii uu isbedelku ka dhacay dalka Itoobiya muuqata in kaalintii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu galay Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo ay colaad gaamurtay oo labada dal ahi ka dhaxayso.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here