Itoobiya Oo Xalay Dooratay Hogaamiyaha Baddeli Doona Raysal-wasaarihii is Casilay, Waana Muslim Ka Soo Jeeda Oromo

21
3377

Addis Ababa(Geeska/W.Wararka)-Dr. Abiy Ahmed ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee xisiga lagu bahoobay ee EPRDF ee Itoobiya, waxaanu bedelayaa guddoomiyihii hore oo ahaa raysalwasaarihii is casilay. Waxa dhawaan loo doortay guddoomiyaha OPDO oo ah urur siyaasadeedka oromada kaas oo jidka u sii xaadhay kursigan xalay loo doortay.

Telefishanka dawladda ee Itoobiya ayaa xalay cawayskii dambe baahiyay in ururka EPRDF Dr. Abiy u doortay guddoomiye taas oo uu macnaheedu yahay inuu yahay raysalwasaaraha cusub ee la wareegi doona talada Itoobiya, ka dib markii uu bishii Febarwari is casilay raysalwasaarihii hore Hailamariam. Ururka EPRDF ayaa la filayaa inay u gudbiyaan Baarlamaanka doorashadooda, kuwaas oo lagu hordhaarin doono.

Ku-xigeenka Dr. Abiy ayaa sida la sheegay waxa sii ahaan doona guddoomiye-xigeenkii hore oo ahaa raysalwasaare-xigeenka Demeke Mekonnen.

Ururka EPRDF oo ka kooban afar urur siyaasadeed ayaa waxa uu ka koobanyahay 180 xubnood, kuwaas oo 108 ka mid ahi ay xalay codkooda siiyeen Dr. Abiy Ahmed.

Dr. Abiy oo ah nin dhallinyaro ah oo dhashay sanadkii 1976, ayaa wuxuu ka soo jeedaa qoomiyada Oromada, waana Muslim ay hooyadii Kiristan tahay. Sidaas darteed wuxuu noqonayaa Raysalwasaarihii u horeeyay ee Muslim Oromo ah ee talada Itoobiya qabta muddo 3000 (saddex kun) oo sannadood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here