Itoobiya Oo Wasiiru Dawle Cusub U Magacowday Oo Loo magacaabay Wasaarada Arimaha Dibada

0
702

 

Addis Ababa(Geeska/W.Wararka)-Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa wasiirul dawle cusub u magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Ridwaan Xuseen oo ahaa safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Asmara ee Ereteriya ayaa noqonaya wasiirul dawlaha cusub.

Wasiir Ridwaan wuxuu bedelayaa wasiirul dawlihii hore Dr. Markos Tekle, oo si kedis ah xilka looga qaaday, waxaanay magacaabista wasiirul dawlaha cusub dhacday 27 december oo ahayd maalintii uu Madaxweynaha Ereteriya dib uga laabtay magaalada Addis Ababa oo uu booqasho gaaban oo shaqo ku yimid. Wasiirul dawlaha cusub ayaa bil ka hor waxa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Ereteriya.

Saxaafadda Itoobiya ayaa aad uga faallootay magacaabista wasiirul dawlahan cusub iyo wakhtiga uu ku soo beegmay oo ah socdaalkii Madaxweynaha Ereteriya ee Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here