Itoobiya Oo Sheegtay In Heshiiska Somaliland & Bixitaanka Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya Aanay Is Khusaynin

0
163

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Itoobiya, ayaa ka jawaabtay qorshaha Soomaaliya ee ah In Ciidamada Itoobiya ay dalkaasi ka baxayaan dhamaadka sannadkan, haddii aanay Addis Ababa ka noqon heshiiska badda iyo aqoonsiga ee la gashay Somaliland.

Wasiirka Gaadiidka iyo Zaadka ee Itoobiya  Alemu Sime, ayaa sheegay inay ku raad-joogaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiska Somaliland.

Sida uu daabacay Wargeyska The Reporter oo ka soo baxa Itoobiya, Wasiirka Gaadiidka ee Dawladda Itoobiya Alemu Sime oo ka jawaabayey hadalka Soomaaliya ee ah in Ciidanka Itoobiya ay ka saarayso dalkeeda, haddii Dawladda Itoobiya ka noqon waydo heshiiska

Somaliland ayaa sheegay in heshiiska Itoobiya gashay aanu khusaynin Soomaaliya oo uu yahay wax u gaar ah Somaliland “Heshiiska Somaliland waa mid ka baxsan (Soomaaliya)..” ayuu yidhi Wasiir Alemu, waxaanu intaa ku daray “Wada xaajoodka iyo saxeexa dhammaan waxaa fuliyay Raysal-wasaare Abiy Axmed, sidiisii ??ayaana loo marayaa.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Berbera iyo Dekedaha kale ee gobolka ay isticmaalayaan “Waxaan rabnaa inaan isticmaalno dhammaan dekedaha dalalka deriska ah si aan uga faa’iidaysano. Waxaan rabnaa inaan isticmaalno Assab. Waxaan rabnaa inaan u isticmaalno Dekedda Port Sudan gobollada waqooyi-galbeed ee Itoobiya. Waxaan rabnaa inaan la shaqeyno dhammaan deriskayaga. Waxaan aaminsanahay in wadamada jaarku ay sidoo kale faa’iido u yeelan doono (Heshiiska Somaliland)..”

Is-afgaradka Somaliland waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay hesho masaafo dhan 20 KM oo xeebta ah oo kiro ah, si ay u hesho aqoonsi dawladnimo.