Itoobiya Oo Sheegtay In Aanay Ogolaan Doonin In Ciidamada Masar Qayb Ka Noqdaan Nabad-Ilaalinta Soomaaliya

0
51

Addis Ababa (Geeska) – Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin inay Masar xasillooni-darro ka abuurto gobolka Geeska Afrika.

Wasiiru-dawlaha Warshadaha ee Dawladda Itoobiya Tarekegn Buluto oo si dadban uga hadlay hubka

Masar ugu deeqday Soomaaliya oo diiddan heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland, ayaa sheegay in Itoobiya aanay marnaba ogolaan doonin in Masar saamayn xun ku yeelato Xasilloonida Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo Itoobiya door-weyn ka qaadatay amnigeeda.

“Itoobiya ayaa kaalin muuqata ku leh xasiloonida Soomaaliya, la-dagaalanka argagixisada & kobcinta iskaashiga laba geesoodka ah…” ayuu yidhi Wasiiru-dawladaha Warshadaha ee Itoobiya Mr. Buluto.

Wasiiru-dawluhu waxa kale oo uu sheegay “Militariga Masar ayaan qeyb ka noqon doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray ”

Ma oggolaan doono in dhinacyada kale ay xasillooni-darro ka geystaan ??gobolka….”

Dawladda Masar, ayaa Soomaaliya ku taageeraysa diidmadeeda heshiiska Itoobiya la gashay JSL, kaasi oo dhigaya in Itoobiya aqoonsi siiso Somaliland, ka dibna saldhig Ciidan ka samaysato Badda Somaliland.