Israaiil Oo Beegsatay Telefishankja Aljazeera

0
904

Picture3Qaza(Geeska/W.Wararka)-Telefishanka Aljazeera ayaa xukuumadda Israaiil ku eedeeyay inay ciidankeedu shalay rasaas la beegsadeen xarunta uu Telefishanku ku leeyahay Qaza oo ay ciidamada Israa’iil duqaymo culus ku hayaan.

Hoyga uu Telefishanka Aljazeera ka degenyahay Qaza ayaa waxa shalay lala beegsaday laba xabadood oo rasaas ah oo sababay in khalkhal ku yimaado hawlihii saxafiyiinta Aljazeera. “Waxa lanagu soo riday laba xabaduud oo toos loola soo eegtay dhismahayaga.” Sidaas waxa yiyidhi Stefanie Dekkder, oo ah madaxa weriyayaasha Al Jazeera ee Qaza.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa beeniyay inay si toos ah u beegsadeen Telefishanka Aljazeera. Laakiin weerarkan ayaa imanaya maalin ka dib markii uu wasiirka arrimaha dibadda Israaiil Avigdor Lieberman uu Telefishanka Aljazeera ugu hanjabay in la joojin doono baahintooda ay ka wadaan Qaza.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay Telefishanka Aljazeera inay la safteen ururka Xamaas oo uu sheegay inay dacaayadahooda faafinayaan., isagoo Aljazeera ku tilmaamay telefishan cadow ah.

Hase yeeshe Telefishanka Aljazeera ayaa si adag uga jawaabay eedaymaha Israaiil, “Hadalada wasiirka arrimaha dibadda Israaiil waa hanjabaad toos ah oo muujinaya in go’aan lagu qaatay in la toogto saxafiyiinta Qasa ku sugan. Waxaanu Israa’iil ugu baaqaynaa inay masuuliyad muujiso. Waxay halis gelinayaan nolosha saxafiyiinta.”

Aljazeera wuxuu Israaiil ugu baaqay inay ilaaliso saxaafadda ka hawlgalaysa Qaza oo ay ixtiraamto, kana dheeraato inay dagaalka ku leexiso saxafiyiinta waajibaadkooda gudanaya.

Telefishanka Aljazeera waxa laga leeyahay dalka Qatar oo ay Israaiil aaminsantahay inuu taageero ururka Xamaas. Qatar ayaa waxa degen hoggaamiyaha Xamaas Khaalid Mashcal, waxaanay Qatar toddobaadkan si kulul eedaymo ugu jeedisay Israaiil weerarada ay ku hayso dadka reer Falastiin.

Telefishanka Aljazeera ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay soo bandhigista dhibaatooyinka bini-aadminimada ka baxsan ee ay Israaiil ku hayso dadka reer Falastiin.

Israa’iil ayaa weeraradan ay ku hayso Qaza waxay ku dishay in ka badan shan boqol oo shacab ah oo u badan carruur, dumar iyo dad waayeel ah. Laakiin Israa’iil qudheeda waxa ay xoogaga milatari ee Xamaas gaadhsiiyeen dhaawacyo xanuun b adan.

Dowlada Isra'iil ayaa markii ugu horreysay qiratay inay la'dahay mid ka mid ah askarteeda maalmo kaddib markii ay Xamaas ku dhawaaqday inay qabatay askari Isra'iili ah.

Isra'iil waxay sheegtay in subaxnimadii Axadii la weeraray baabuur kuwa dagaalka oo ay wateen ciidammada Isra'il, oo ay saarnaayeen toddoba askari.

Warbixin ka soo baxday ciidammada Isra'iil ayaa sheegtay in la helay maydka 6 askari, halka la la'yahay askarigii todobaad ee la socday.

Waa markii koobaad oo Isra'iil qiranayso maqnaashaha mid ka mid ah askarteeda, tan iyo markii ay Xamaas ku dhawaaqday inay qabatay askari ay magaciisu ku sheegtay Sha'ool Aaron.

Hore ayuu Wakiilka Isra'iil ee Qaramada Midoobay u beeniyay warka sheegayay in la qabtay mid ka mid askarta Isra'iil. Askari ay hore Xamaas u qabatay ayay ku baddalatay boqolaal maxaabiis oo reer Falastiin ah.