Israa’iil Oo Ka Walaacsan Xidhiidhka Dhawaan U Curtay Maraykanka Iyo Iran

0
1821

Israa’iil ayaa u muuqata inay ka walaacsantahay xidhiidhka u bilaabmay Maraykanka iyo Inran.

Mas’uuliyiinta Isra’iil ayaa si weyn walaac uga muujinaya xidhiidhka soo hagaagaya ee Maraykanka iyo Iran, tan iyo intii la doortay Madaxwyenaha cusub ee Iran Xassan Rouhani.

Netenyahu ayaa khudbadii Madaxweyne Rouhani uu ka jeediyey Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid munaafaqnimo ku dheehan oo caalamka lagu khiyaamayo. Netenyahu ayaa sheegay in hogaamiyaha cusub ee Iran doonayo inuu wakhti kusii dheeraysto illaa inta ay ka sameysanayaan hubka Nukliyeerka.

Dowlada Isra’iil ayaa muddo dheer olole ugu jirta inay Maraykanka ka dhaadhiciso inuu duulaan militari ku qaado dalka Iran.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani ku sugnaa dalka Maraykanka isagoo wareysiyo kala gedisan siiyey warbaahinta Maraykanka si weyn loo shaaciyey, iyadoo warbaahinta Maraykanka ku tilmaameen madaxweynaha Iran nin qunyar socod ah oo wax weyn ka bedali kara xidhiidhka Maraykanka iyo Iran.

Isra’iil ayaa waagii hore si weyn u adeegsan jirtay khudbadihii xasaasiga ahaa ee Madaxweynihii hore ee Iran Maxamuud Axmedinajad, hadaladaasi Axmedinajad ayey Isra’iil u adeegsan jirtay inay caalamka ugu muujiso Iran wadanka khatarta ku ah amaanka Bariga Dhexe, balse hadalada qabow ee Madaxweynaha cusub Rouhani ayaa u muuqada kuwo isu soo dhaweeyey Maraykanka iyo Iran oo markii ugu horeysay xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah yeeshay tan iyo 1979kii, arrintan oo ay walaac ka muujinayaan Isra’iiliyiinta.