Ismaaciil Buubaa Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Wax Ka Qabto Kooxo Xag Jir Ah Oo Uu Sheegay Inay Dalka Ku Soo Qulqulayaan

0
827

hadilmeeHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka qabto kooxo uu sheegay inay yihiin xag jirka Somaliya oo dalka ku soo qulqulaya tan iyo intii uu xilka la wareegay.

Ismaaciil Buubaa oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in hadal haynta ugu badan ee bulshada caalamku isla dhex maraysaa tahay kooxo xag jir ah oo ku qulqulaya Somaliland kuwaas oo u badan kuwo ka soo yaacay dagaalada Muqdisho ka socda oo ay midowga Afrika kaga itaal roonaadeen kooxda Al-Shabaab “Waxa muuqata in kooxaha xag jirka ahi ay ku soo qulqulayaan Somaliland waana mawduuc laga helayo ilaha siyaasadeed ee gobalka iyo Somalidaba, markaas waxaan ku talin lahaa in Madaxweynuhu wax ka qabto waana wax aniga iga warwarinaya.” Ayuu yidhi Buubaa, waxaana la sii weydiiyay sida uu xogtaas ku helay waxaanu yidhi, “Aniga qudhaydu waan yaabay oo Madaxweyne Siilaanyo waxaan ku aqnaanay nin firfircoon oo hawlkar ah oo arrimahaas wax ka qaban kara waxase aad moodaa ina arrimuhu sidii la filayay aanay ahayn. Wararkani waa kuwo hadal hayntoodu badantahay.”

Ismaaciil Buubaa wuxuu ku taliyay in la furo ururada siyaasadda oo weliba lagu daro kuwo ogol midnimada Somaliya, “Waayo.” Ayuu yidhi, “Xorriyad taam ah ayuu bixinayaa distoorka Somaliland.”

Wuxuu Somaliland kula taliyay inay iyadu noqoto cida hesha guusha dib u heshiisiinta Somaliland, “Ma jirto cid Somaliland uga faro dhuudhuubani, waxaanay ku heli lahayd magac iyo sharaf haddii ay kaalintaas qaadato oo ay Somaliba iyadu qabsato.” Ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay sida uu u arko xukuumadda cusub ee Sheekh Shariif, wuxuu sheegay inuu wakhti siinayo faallo ka bixinteeda maadaama oo ay yihiin wejiyo cusub oo aan si fiican loo garanayn.